BAAQ TAAGEERO AH OO KA SOCDA MUSHARAXA GARAADKA BEESHA SACAD MUUSE.
Posted by abdi on July 13 2013 14:33:14

ANIGOO AH MUSHARAXA GARAADKA BEELAHA SACAD MUUSE DR Mustafe Sheekh Abiibakar Xuseen EE DHAWAAN CALEEMO SAARKIISU KA DHACAYO DEGMADA TOGWAJAALEE WAXAN SI BUUXDA U TAAGEERAYAA  GOLAHA MADAXA BANAAN EE WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA.


Extended News

ANIGOO AH MUSHARAXA GARAADKA BEELAHA SACAD MUUSE DR Mustafe Sheekh Abiibakar Xuseen EE DHAWAAN CALEEMO SAARKIISU KA DHACAYO DEGMADA TOGWAJAALEE WAXAN SI BUUXDA U TAAGEERAYAA  GOLAHA MADAXA BANAAN EE WADA TASHIGA IYO TOOSINTA QARANKA. HADABA 1 markaan arkay halka uu marayo geedigii iyo hayaankii qaranimada somaliland iyo madmadowga ku gadaaman 2 markaan  arkey midnimaddii ummado oo sidii shamac la shiday sii buburaysa kadib markii qabyaaladdii dib loo soo nooleeyey 3 markaan ogaadey  sida loo baabiiyey golayaashii deegaanka ee bulshadu ku garbo beeshay. sida golaha deegaanka ee gobolka gabiley oo maraya halkii ugu liidatay kadib markii loo diiday in ay u madaxbanaanaadaan fadhiyadoodii 4 markaan la tashaday bulshada aan garaadnimada ugu sharaxanahay 5 markaan arkay dhalliyarada camal laantu hayso iyo tahriibta oo maraysa heerkii ugu sarreeyey waxan si buuxda u taageerey golaha madaxa banaan ee maanta lagu dhawaaqey waxanan ugu baaqayaa bulshada somaliland in liibaanteena adduunyo iyo teena aakhiraba ku jiraan taageerista golahan.   cusub ee dhawaan ladhisay waxaan hiil iyo hoo lagarabtaaganahay golaha cusub  oo aanu kafilayno toosinta qaladaadka soo noqnoqda ee xukuumada siilaanyo caadaysatay waxakale oo aan usoo jeedinayaa golaha cusub aniga oo ah garaadka ka wakiilka ah degmada tog wajaale iyo deegaanada hoosyimaad gobolka gabiley inaan ku hadlayo kalsoonidii bulshada aan garaadka u ahay                                                                      waxan ku soo gunaanadayaa tixdan gabayga ah                                                    dadku maaha kii hee midho daray had iyo jeer duuduub  ku liqi jirey, dadku maaha kii hee laba goor danseegee shaley iyo doraad jiey  dadku maaha kii hee iney daaf ka guuraan daacuun u raran jirey dadku maaha kii hee digorogashadoodiyo  dalandoolka geediga dalka oo cadceediyo dayaxiiba joogaan xiddigaha dagaariyo duuqlaal ku guddi jirey. RABADAAN KARIIM  BY GARAADKA BEELAHA SACAD MUUSE DR MUSTAFA SH ABIIBAKER HUSIEN  TOGWAJAALE  TELL  NUMBER  4466752HH