Wafti Ka Socda Xukuumadda Somaliland Oo Socdaal Aan Ujeedadiisa La Cadayn Maanta Ugu Kicitimi Doona Nairobi.
Posted by xaaji on May 24 2011 18:55:48

Hargeysa(Hargeysa Online) Wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibada Maxamed C/llaahi Cumar, Qorshaynta Sacad Cali Shire, Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Wefti ka socda xukuumadda Somaliland oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Dibada Maxamed C/llaahi Cumar, Qorshaynta Sacad Cali Shire, Macdanta iyo Biyaha Xuseen Cabdi Ducaale, Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa la sheegay inay maanta socdaal aan ujeedadiisa la garanayn ugu kicitimi doonaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Ilaa hada lama oga ujeedada ay wasiiradaasi ugu boqoolayaan Caasimada dalka Kenya ee Nairobi, hase yeeshee sida ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola socdaalka wasiiradaasi ay sheegayaan in xubnaha wasiirada Somaliland ay kaga qaybgali doonaan magaalada Nairobi shir lagu falanqaynayo arrimaha Somalia.

Waxa kale oo ay ilahaasi intaa ku dareen in wefti ka socda maamul goboleedka Majeerteeniya oo ku sugan Nairobi ay shirkaasi ka qayb gali doonaan, iyadoo ilo wareedyaduna ay intaa ku dareen in shirkaasi ay ka soo qayb gali doonaan Raysal Wasaaraha dawladda Sheekh Shariif ee TFG-da Somalia Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Sidoo kale waxa iyaguna shirkaasi lagu lafo gurayo arimaha Somalia ee lagu qaban doono Nairobi ka soo qayb gali doona Maamulada dhawaan lagaga dhawaaqay dalka Somalia, sida Galmudug, Ximin iyo Xeeb iyo Azaaniya.

Iyadoo sidoo kalena la sheegayaa in shirkaasi uu ku soo beegmay shir ay Qaramada Midoobay ku qabsanayso magaalada Nairobi ee Caasimada dalka Kenya.

Sida caadada u ahaan jirtay Xukuumadda Somaliland inta badan marka wafti dibadaha u baxayo ayay ka warami jirtay ujeedada socdaalkooda, balse xukuumadda ayaan war cad oo faahfaahsan ka bixinin ujeedada ay Afartan Wasiir ugu ambabaxayaan Caasimada Dalka Kenya.

Dhinaca kale Labada wasiir ee Qorshaynta iyo Arrimaha Dibada ayaa la sheegay in dhawrkii maalmood ee u dambeeyey ay dadka weydiinayeen nuxurka todobadii qodob ee lagu gaadhay Shirweynihii Beelaha Somaliland ay ku qabsadeen Magaalada Burco bishii April 1991, kuwaas oo golaha dhexe ee SNM anisixiyey 18-kii May 1991-kii, iyadoo go’aamadaasi uu ugu horeeyey go’aankii dib ula soo noqoshada gooni isku taaga Jamhuuriyada Somaliland, ku dhawaaqida nabadaynta iyo soo afjarida colaadihii u dhexeeyey beelaha Somaliland iyo in Mujaahidintii SNM ee dalka xoreeyey lagu maamuuso Jimciyad madaxbanaan oo u gaar ah (Jimciyada Mujaahidka oo haatan loo yaqaano Sooyaal).

Xubnaha golaha Wasiirada maamulka Madaxweyne Siilaanyo iyo golaha Wakiilada ayaa badankoodu ku sugnaa dalka dibadiisa markii lagu dhawaaqay madaxbanaanida Somaliland iyo sanadihii ka dambeeyey ee lagu jiray dib u heshiisiinta, hub ka dhigista iyo dib u dhistka dawladnimo ee Somaliland.
 

 

Mukhtaar cabdi Cilmi.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.

 

HargeysaOnline.Net