Xil Gudosho La’aanta Axsaabta Mucaaridku, Waa Danbi ay Tahay in Lagula.
Posted by abdi on July 13 2013 14:59:51

Qof walabaa mujtamaca meel ayuu kaga jiraa oo xil ayuu u hayaa.
Xilkaasi ama ha noqodo mid loo igmaday oo masalan ah xil dawladi u
dhiibtey sida Wasiir.


Extended News

Qof walabaa mujtamaca meel ayuu kaga jiraa oo xil ayuu u hayaa.
Xilkaasi ama ha noqodo mid loo igmaday oo masalan ah xil dawladi u
dhiibtey sida Wasiir, Agaasime iyo Maareeye, ama ha noqdo mid loo
doortey oo uu codbixin ku muteysatey sida xildhibaan, Madaxweyne,
amaba ha noqdo mid uu ku kasbatey aqoon iyo heybad uu mujtamaca ku
dhex leedahay sida Imaam masaajid, khabiir cilmi, ganacsade maalgashi
sameeya. Kuwan an sheegey waa kuwa inta badan muuqda balse dadka
intiisa kalena xil ayaa saaran intuu doono ha noqdee. Ardeyga ayaa ugu
yar oo waxa saarin waajibka ah inu duruustiisa si fiican u barto.
Haduu baran waayo ganax ayuu leeyahay.

Ka warran haddii qof xil qaadey gudan waayo hawshii loo xilsaarey? Xil
gudanwaagu dhinacyo badan ayuu noqon karaa oo ay ka mid tahay haddii
qofku xilkii loo igmadey ahmiyad siin waayo oo uu ku mashquulo wax
kale oo ka duwan, amaba uu segsaago oonu wakhtigii la rabey gelin,
amaba aqoon daro ka heyso oonu laheyn kartidii iyo aqoontii uu wax ku
fulin lahaa, amabase uu runta ka sheegi waayo wax qaldan oo mujtamaca
dhib u keenaya, ama uu taageeri waayo wax wanaagsan oo ay aheyd inu
dhiiri geliyo. Tay doonto ha noqoto, qof xilkiisii gabey wuxu doono
haku marmarsoodee waa danbiile waana in laga gooyaa danbigaa. Laga
yaabee inu danbigu kala weynyahay oo masalan xilgudosho la’aan ay
keentay aqoondarro wey ka danbi yartahay xil gudosho la’aan ay keentay
shaqo la dayacey.

Ciidamada marka laga hadlayo, xilgudosho la’aantu waxa ay keeni karta
inad nafta weydo oo lagu toogto. Haddii ad tahay abaanduulo ciidan ama
dagaalgeliye urur ama horin oo ciidankaagii khasaare soo gaadho
sababta oo ah go’aan qaldan oo ad sameysey amaba ad wax kale ku
mashquushey dagaalkii oo socda oo dhalisey in ciidankii khasaare soo
gaadho, maxkamad milatari ayaa isla goobta dagaalka lagu taagaya,
waxaaney u badantahay in isla goobta lagugu toogto. Sharciga
milatariga waxa arrintaa la yidhaa “Qaldaa Ma Qaldo” oo ah haddii ad
mar wax qalado, mar labaad qaldi meysid, waayo dee waabad dhimatey oo
waa lagu toogtey.

1974kii ayaa Ismaiil Ali Abokor oo ka trisanaa Golahihii Sare ee
Kacaanka ahaana afarta nin ee dalkii Somaaliya xiligaa u sareeyey ayaa
kormeer ku soo marey meelo ka tirsan gobolka Togdheer oo abaartii
dabadheer ka jirtey, waxaanu soo arkey umad aad u dhibaateysan. Marku
Burco yimid ayuu arkey badhasaabkii gobolka oo ahaa korneyl ciidamada
ah oo la odhan jirey Mohamed Ali Dahir oo si jilicsan war bixin u
siinaya oo aan si culus u dareensaneyd abarata dadka heysata. Inta uu
ismail Ali Abokor istaagey ayuu badhasaabkii ku yidhi istaag,
markaasuu istaagey, wuxu hadana ku yidhi digtoonow, markaasuu
badhasaabkii digtoonaadey. Laba sarkaal oo meesha taagnaa ayuu ku
yidhi iminka darajada halaga rifo badhasaabka. Umaddii iyo madaxdii
dawladda oo wada taagan ayaa badhasaabkii oo digtoonow ku jira
darajadii laga rifey. Waxa badhasaabka lagu galey ee darajada looga
rifey waa xil gudasho la’aan oo umaddii oo abaari heyso ayuu isla soo
taagey meesha warbixin weyd ah oo Ismail Ali Abokor u cuntami weydey.

Madaxtinimadu heybad ayay leedahay oo ah heybad sharciga iyo mansabku
ku siiyey. Waxa ay leedahay oo kale sad bursi sharci ah oo kursigu
wato. Heybaddaasna waxa qofka madaxda ah loo siiyay waa si uu u
dareemo culeyka iyo ahmiyadda mas’uuliyaddu leedahay. Madaxda saddexda
xisbi ee qarankuna heybaddaas ayay leeyihiin oo meel kasta oo ay
tagaan waxa loo soo dhaweeyaa oo loo maamuusaa madax qaran

Ka warran qof ama koox xil u qaadey umadda, oo weliba xilkaa ka heysaa
halkii u sarreysey oo xilkii gudanwaayey? Marka an leeyahay halka u
sareysey waa xil gudasho la’aan keeni karta in mustaqbalkeenuba mugdi
galo. Doorashadii dalka ka dhacdey ee saddexda xisbi ee Kulmiye,
WAadani niyo UCID ku soo baxeen waxa codka u badan helay xisbiga
kulmiye, waxa ku xigey Wadani iyo UCID. Marka saddexda la is barbar
dhigo, Kulmiye ayaa aqlabiyadda helay. Balse marka la isku daro codka
uu helay WADANI iyo codka uu helay UCID, xisbiyada mucaaridka ah ayaa
aqlabiyadda weyn leh. Taasi waxa ay ku tuseysaa in xisbiyada
mucaaridku ay heystaan kalsoonida weyn ee dadweynaha oo aan ka dhicin
haddaaney kava badneyn kasoonida uu heysto xisbul xaakimku. Xisbiyada
mucaaridka ihi laftodu waa dawlad yar oo awood leh oo tageero ka
heysta mujtamaca intiisa badan, waa haddii ay gartaan oo ay taageerada
shicibkoodu siiiyey u turjumaan aqoon iyo awood siyaasadeed oo la
tirsado.

Dawladnimadeena waxa maanta ay leedahay waa afar tiir oo kala ah
dawladda iyo xisbul xaakimka oo isku jira oo hal tiir ah, Labada xisbi
ee mucaaridka ah oo laba tiir kala ah, iyo baaralamaanka oo ah tiirka
afraad. Dawladdu deedal badan wey sameysey mudadii ay xilka heysey.
Dhaqdhaqaaq aad uuga badan kuwii ay sameynjireen dawladihii ka
horeeyey ayey ku talaabsatey ha noqoto dib u dhiska dalka, furfur
siyaasadeed iyo wax qabadba. Dhaqdhaqaaqa xagga siyaasadda ee ay
dawladani ku dhaqaadey saddexdii sanadood ee u danbeeyey waxa ay aad
uugu badan yihiin uugana muuqdaan wixii la sameeyey saddexdii sanadood
iyo 10 sanadood ee dawladan ka horeeyey. Taasi waa ra’yi shakhsi oo
waa la isku diidi karaa. Balse haddana si ayaad u moodaa iney dawladda
ku adkaatey in guulaha doorka ah ee ay gaadhey ay u tarjumto guulo
bulsho iyo farxad umadeed, si baanad u moodaa inaaney adeegsan nidaam
wacyigelin oo wax ku ool ah.

Inkastoon ku faraxsanahay dhaqdhaqaaqa siyaasadda ee dawladda, hadana
waxa an ku diidanahay siyaasadaha qaarkood oo an u arko iney xoog u
qaldan yihiin. Tusaale ahaan, Siyaasadda ku aadan Soomaaliya sida ay
iminka tahay ee loo wado waa dhinicii qaldanaa waa haddii aan sidaaba
loogu tala gelin, waxaanan rumeysanahay in marka taariikhdu tahey 18
May 2015 ay arrinteenu soo xidheyso oo aan halkaa hore looga socon
doonin, waa haddii aan inta wakhtigaa ka horeysaa wax laga bedelin
siyaasadda.

Tay doonto ha noqoto, dawladu wey shaqeyneysaa, sax ah iyo qaldanba.
Su’aashu waxa ay tahay mayee saddexdii tiir ee kale ay aynu dooranney?
Baarlamaanka isaga meel iska dhig oo waxa uu ka joogaa waa xisbiyada
oo kolba sida xisbiyadu yihiin uunbuu noqonayaa. Balse, mayee labadii
xisbi ee mucaaridka ahaa ee umaddo dooratey ee weliba aqlibiyaddu
dooratey. Marka laga reebo dhowr shakhsi oo hadaladooda warbaahinta
laga maqlo mooyee, xisbiyadu hawshii loo igmadey wey ka seexdeen.
Dhawrka shakhsi ee hadlaana oo weliba u eeg iney ra’yigooda shakhsi
uun hadlayaan doodoodu waxba kama duwana tan suuqa ee shicibka
warmooga ihi ku hadlayo. Xisbiyada waxa looga fadhiyey inay heykal
dawladeed sameystaan waayo waa hey’ado distoorku difaacayo oo cidi
meesha ka saari karin. Waxa aheyd in xisbiyada qaranku furtaan xarumo
heykan sareeya leh oo golahooda dhexe ama gudidooda fulintu ku shirto
asbuuciiba mar sida golaha wasiiraduba u shirayaan, oo ay shirarkaa ka
soo saaran qoraal ka hadlaya mawqofkooda ku waajahan arrinta ay ka
shireen oo markaa noqotaba mawqif xisbi iyo sharci. Waxay aheyd in
arrimaha siyasadda iyo dhaqaalaha iyo bulshadaba si qoto dheer uuga
doodaan talana soo jeedayaan.

Balka warran xisbiga mucaaridka ah ee laga yaabo inu mujtamaca 25%
matalo ee taageerayaashiisa intooda badani siyaasadda dawladda
dhaliilayaan ee haddana aan xisbi ahaan caddeyneyn waxa uu diidanyahay
iyo waxa uu taageersanyahay. Tusaale u soo qaado shirarka ay
Somaliland iyo Somaliya wada leeyihiin ee tiraba illa afar iminka la
wada galey. Dawladdu iyo xisbigeedu mey kala hadhin ee wey u
badheedheen in shirarkaa la galaan Soomaaliya oo weliba ay sii wadaan.
Waa mawqif cad oo haddii uu sax yahay iyo haddii ay wax ilduufeenba.
Taageerayaasha xisbiyada mucaaridka ah in badan ayaad ku arkeysaa
warbaahinta iyaga oo diidan shirarkaa waxa ka soo baxaya iyo
warsaxafadeed caato ah oo la leeyahay “xisbi hebel oo si adag u
naqdiyay go’aamadii shir hebel ka soo baxey”. Bal adu faham! Waa maxay
si adag u naqdiyey?. Waxa waajibku ahaa in golayaasha dhexe ee
xisbiyada mucaaridka ah amaba gudiyadooda fulintu ay arrimahan ka
shiraan falanqeeyaan, cilmi baadhis ku sameeyaan oo ay mawqif qaataan
aan aheyn kan “maalindagaal” ku fadhiya ee ah maxaa hebel looga reebey
iyo maxaa hebel loogu darey wafdiga iyo go’aanka shirka soo baxey ma
ogolin. Taasi waxa ay muujineysaa war moognimada heysa madaxdiinii iyo
xisbiyadeenii mucaaridka ahaa.

Waxa muhiim aheyd in daraasad iyo dood dabadeed ay xisbiyada
mucaaridka ihi qaataan mawqif cad oo qeexayaa iney ama raali ka yihiin
wadahadalada lala gelayo Somaliya iyo in kale. Maaha iney ku
meereystaan kolba go’aan shir ka soo baxey. Waxan socda mabda’ ahaan
raali ma ka yihiin mise kama ah? Haddii ay mabda’ ahaan raali ka
yihiin balse ay jiraan waxyaalo yaryar oo ay dhaliilayaan, maaha iney
dadka tashuush geliyaan ee waxa wanaagsan iney dawladda is
barbartaagaan oo yidhaahdaan waanu ku taageersanahay tallaabadaa
dawladda, inta yar ee ka dhimanna waanu la toosineynaa. Haddiisi ay
kaba soo horjeedaan mabda’a ah in sidan loo wada hadlo, waxa muhiim ah
iney marka horeba cadeeyaan mawqifkooda iyadoon shirba soo dhaweyn,
xukuumaddana kula taliyaan in dib la iskugu noqdo, haddii ay dawladdu
diidana ay iskaashigii ay kula jireen iyo kalsoonidoodii kala noqdaan
oo ay muujiyaan inu shirkaasi u gaar yihiin dawaladda iyo xisbul
xaakimka oo keliya.

Taladii axsaabta mucaaridku yey u eekaan mid shakhsi oo sidii dhidar
onkod kiciyay uun la soo tuuro marka wafdi baxayo, balse waa iney
noqotaa talo laga soo shaqeeyey oo laga soo shirey oo aan aheyn ku
jiqsii balse ka turjumeysa wax dalka iyo dadka u dan ah. Waxa iyana
muhiim ah in axsaabta mucaaridka ihi ay wargeliyaan oo ay dhiiri
geliyaan taageerayaashooda lana socodsiiyaan siyaasadda iyo mawqifka
xisbiga. Miisaankii dawladnimo uu dheelisanyahay iminka oo dhinicii
dawladda uunbaa shaqeynaya, labadii xisbi ee mucaaridka ahaa
hawshoodii wey gabeen, waxaana la joogaa xiligii ay boodhka iska tumi
lahaayeen ee ay dawladda is barbartaagi lahaayeen oo taageeri
lahaayeen marka wax wanaagsan ay ku dhaqaaqdo ama waddanku cidhiidhi
galo. Runtana ay u sheegi lahaayeen dawladda marka ay butuluqsaneysa.
Awoodaa wey leeyihiin oo waxa doortey aqlabiyaddii shicibka iyo disuur
lama taabtaan ah oo difaacaya.

Xisbiyada mucaaridka odhan mayo danbi dagaal halagu qaado oo hala
toogto oo intaa wey inooga qiimo badanyihiin, odhanna mayo khiyaamo
qaran ayay galeen. Balse sida ay iminka yihiin wey ina hoosaasinayaan.
Waxa ay garan laayihiin awoodda qarankoodu siiyey ee aan cid ka qaadi
kartaa aaney jirin oo ah inay maanta awood distuur u leeyihiin iney
taageeraan xukuumadda oo ay is barbartaagaan marka waxa fiican ay
qabato, oo ay u digan marka ay u arkaan iney xukuumaddu ilduuftey.
Waxa iyana distuurku awood u siiyay iney xukuumadaba ridi karaan oo
sifo sharci ah ku ridi karaan haddii ay arkaan iney dariiqii saxda
ahaa ka leexatey talona diidey. Xisbiyada mucaaridku waa iney qalmaan
awoodda, sharafta iyo taageerada ay ka heystaan umadooda iyo
dalkoodaba. Somalidu waxa ay ku maahmaahdaa “Meel Ama Waa Laga
Muuqdaa, Ama Waa Laga Maqnaadaa”.

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com