Ciidamada Puntland iyo kooxo taabacsan mucaaradka Faroole oo saaka ku dagaalamay degmada Qardho.
Posted by abdi on July 14 2013 14:59:25

Degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa saaka ka dhacay israsaaseyn xooggan oo u dhexeysey ciidamada Puntland iyo kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda qabsoomidda doorashada golaha degaanka Puntland.


Extended News

Degmada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa waxaa saaka ka dhacay israsaaseyn xooggan oo u dhexeysey ciidamada Puntland iyo kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda qabsoomidda doorashada golaha degaanka Puntland oo lagu wado iney maalinta beri ah ka bilaabato degaanadaas.

Ugu yaraan saddex qof oo ka tirsan dhinacyadii israsaaseyntu dhexmartay ayaa geeriyoodey iska horimaadkaas oo la isku adeegsaday hubka fudud, halka 3 kale oo dhaawac ahna Isbitaalka Qardho la dhigay, waxaana kacsan xaalada degmada Qardho.

Ciidamada Puntland ayaa si xoogan u ilaalinaya xarumaha maamulka sida madaxtooyada, xarunta maamulka gobolka, xarunta dowladda hoose, xabsiga weyn iyo kontroolada magaalada laga soo galo, lagana baxo

Goob joogayaal ayaa ku waramay in Israsaaseyntu bilaabatay ka dib markii Kooxo hubeysan oo taabacsan mucaaradka Faroole ay rasaas ku fureen labo gaari oo sidey sanaadiiqda loogu talo galay codbixinta oo soo gaaray magaalada Qardho, iyagoo la wareegay mid ka mid ah labadaas gaari.

Gaariga 2aad oo ay ciidamadu si xoog ah ku soo gudbiyeen ayaa waxaa waxaa la geeyey saldhigga degmada Qardho oo ciidamadu ku ilaalinayaan.

Isku socodka dadka iyo gaadiidka ee degmada Qardho ayaa hakad ku jira saaka waxaana magaalada inteeda badan ku sugan kooxaha hubeysan ee taabacsan mucaaradka kuwaasoo gaaf wareegaya wadooyinka waaweyn iyo suuqyada.

Degmada Qardho ayaa waxay ka mid tahay meelaha sida weyn looga diidan yahay xili kororsiga uu sameystay madaxweyne Faroole ka dib markii uu xiligii ka dhacay iyo doorashooyinka uu abaabulayo oo loo arko iney yihiin kuwo uu doonayo inuu xiliga kursiga ku sii dheereysto.