Wasiirkii Hore Ee Daakhiliga Oo Deedefeeyey Inuu Muqdisho Ka Degay.
Posted by xaaji on July 18 2013 16:53:22

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa si cadho leh u deedefeeyey inuu ka degayo Magaaladda Muqdisho 24-ka saacadood ee soo socda.


Extended News

Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Nuur Caraale (Duur) ayaa si cadho leh u deedefeeyey inuu ka degayo Magaaladda Muqdisho 24-ka saacadood ee soo socda, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Magaalada Muqdisho laga dareemayo soo dhaweynta Ex Wasiir Duur. Hadaba si aanu arimahaasi u xaqiijino waxa ka jira ayuu shabakada hargeysa online la xidhiidhay Mr Duur oo haatan ku sugan Magaaladda Dubai ee xarunta isu-taga Imaaraadka Carabta, kaas oo xusay inuu arimo u gaar ah oo uu hore u haleeli waayey markii uu Wasiirka Daakhiliga ahaa uu imika soo qabsanayo, kaas oo tilmaamay inuu 22-ka bishan July uu ku soo beegan yahay Caasimadda Dalka ee Hargeysa, waxna aanay ka jirin warka sheegaya inuu Muqdisho tagayo. Sidoo kale ilo wareedo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Somalia ayaa Hargeysa Online u sheegay inay halkaas ka socoto qabanqaabadda soo dhawaynta Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur), kuwaas oo intaas ku daray inuu jiro qorshe uu damacsan yahay Madaxwayne Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo hore loola xidhiidhin jiray inay xidhiidh hoose leeyihiin. Xogaha laga helayo Somalia ayaa intaas ku daray in qabanqaabada soo dhawaynta la sheegay inay Muqdisho ka socoto uu gadh-wadeen ka yahay Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somalia Caydiid Ilko-Xanaf oo ay isku beel yihiin Mr Duur. Ugu horayna isaga oo ka jawaabaya waxa ka jira wararkaas waxa uu Wasiirkii hore ee Daakhiliga Maxamed Nuur Caraale ku bilaabay hadalkiisa “Warkaas waxba kama jiro oo waad arkaysaan inaan kaala hadlayo Imaaraadka oo aan ku suganaya, waxaanan filayaa inay dadka sidaas warbaahinta ku baahinayaa ay iyagu wax is yeeleen oo aanay aniga waxba i yeelaynin” Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Nuur Caraale (Duur) mar aanu wax ka waydiinay cida uu u aanaynayo inay warkan ka baahisay iyo inay jirto cid uu boro-bogaandadaas u aanaynayo, waxa uu yidhi “Anigu sida aan kuu sheegay Imaaraadka ayaan ku suganahay hawlo ii gaar ah ayaanan u joogaa halkan oo aan qabsanayaa, sababta oo ah marka aad danta guud ka shaqaynayso danta gaarka ah ayaa maqan oo aanad qabsan karaynin, markaas sidaas ayaan halkan u joogaa”. Mr Duur mar uu ka hadlayey dareenkiisa ku wajahan arintani, waxa uu yidhi “Dadkii warkan qoray ee iga baahiyeyna waxaan leeyahay waa Ramadaane Alle ha u danbi dhaafo sababta oo ah waxay iga baahiyeen been aan sal iyo raad toona lahayn, markaa waxaan bulshadda u sheegayaa inaanu warkaas waxba ka jirin oo aan 22-ka bishana hadii Alle yidhaahdo aan dalka ku soo noqonayo oo aan Hargeysa imanayo”.

Hargeysa Online