Ugu Yaraan 22 Caruur Ah Oo U Geeriyooday Raashin Ay Ka Cuneen Dugsigii Ay Dhiganayeen Dalka India.
Posted by xaaji on July 18 2013 16:58:01

Ugu yaraan 22 caruur ah ayaa ku geeriyooday raashin ay ka cuneen dugsigii ay dhiganayeen dalka India, halka tiro intaa ka badana ay u jiifaan cusbitaal.


Extended News

Ugu yaraan 22 caruur ah ayaa ku geeriyooday raashin ay ka cuneen dugsigii ay dhiganayeen dalka India, halka tiro intaa ka badana ay u jiifaan cusbitaal. Raashinkan ay ku sumoobeen ayaa ah mid lacag la’aan ah oo caruurtaasi lagu siiyo Iskuulkaasi si ay u korodho tirada caruurta la qoro dugsigu magaalada Ganamal oo ka tirsan gobolka Bihar, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan dawlada India. Ilaa iyo hadda si cad looma shaacin sida raashinka Iskuulku u sumoobay gobolka bariga dalkaasi ku yaala ee Bihar, iyadoo sarkaal uu sheegay in laga yaabo in raashinka aan si haboon loo maydhin ka hor intii aan la Karin. Caruurta Raashinka dugsigaasi ay dhiganayeen lagu quudinayey ayay da’doodu u dhaxaysay 5 jir ilaa 12 sanadood, waxaana soo ritay maalintii shalay markii ay xili qadihii ay cuneen cuntada dugsigaasi.
 

Hargeysa Online