Guddida Diwaan Galinta Oo Xisbiga UCID Ugu Baaqay In Ay Maamuus Ka Xayuubin Ku Sameeyaan Guddoomiyahooda.
Posted by abdi on July 20 2013 23:03:30

Hargeisa(Hargeysa Online)Guddida Diiwaanglinta Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in aanu sharci haysan Golihii dhawaan hargeysa lagaga dhawaaqay.


Extended News

Hargeisa(Hargeysa Online)Guddida Diiwaanglinta Ururada iyo Axsaabta Siyaasadda Somaliland ayaa war-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in aanu sharci haysan Golihii dhawaan hargeysa lagaga dhawaaqay, waxaanay xuseen in uu Mamnuuc ka yahay Dalka.

Xubnaha guddidu waxa kale oo ay Xisbiga UCID ka dalbadeen in ay Maamuus ka xayuubin ku sameeyaan Guddoomiyahooda Feysal Cali Waraabe, kaas oo ay ku Eedeeyeen in uu ku biiray Gole siyaasadeed oo sharci darro ah, iyagoo ka codsaday in ay jawaab deg deg ah uga fadhiyaan.

Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta Siyaasaddu waxa ay war-saxaafadeedkooda ku sheegeen in dalka laga ogol yahay Golayaasha iyo Axsaabta Siyaasadda ee Dastuurka iyo shuruucda ka farcamaa jideeyeena, balse aan la ogolayn cid kale oo isku abaabusha kooxo siyaasadeed, sidaas daraadeed uu sharci daro yahay Golaha wadatashiga iyo Toosinta Qaranku.

Go’aanka Guddida Diiwaangelinta Ururada iyo Axsaabta siyaasadda ayaa u muuqda mid ka shiidaal qaadanaya canbaaraynta Xukuumadda Somaliland la daba taagan tahay Golahaas Dalka lagaga dhawaaqay, kaasoo Sas ay ka qaaday u adeegsatay in ay ka difaacaan Dadweyne iyo Hay’addo kale oo borobagaando suuqa u gelinaya Golahaasi.

Xubnihii Siyaasiyiinta eek u dhawaaqay Golaha Wadatashiga ayaan ilaa hada wax jawaab ah lagha haynin iyadoo Xukuumaddu warbaahianta maalin kasta dhaliilo ugu soo jeedinaysa.