Qurbajoog u soo baqoolay shirka Beesha Sacad muuse oo Hargeysa ku soo qul-qulaya.
Posted by abdi on July 20 2013 23:12:11

Hargeysa(Hargeysa Online) qaar ka tirsan Qurba jooga beesha Sacad Muuse ayaa wakhtigan ku soo qul-qulaya magaaladda Hargeysa, iyadoo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho ka qayb galka shirka Beesha Sacad Muuse ku dhawaaqday in uu ka qabsoomi doono deegaanka Agaabar ee Gobolka Gabilay.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) qaar ka tirsan Qurba jooga beesha Sacad Muuse ayaa wakhtigan ku soo qul-qulaya magaaladda Hargeysa, iyadoo ujeedada socdaalkoodu la xidhiidho ka qayb galka shirka Beesha Sacad Muuse ku dhawaaqday in uu ka qabsoomi doono deegaanka Agaabar ee Gobolka Gabilay.

Cabdi Dhoore Xirsi oo ka mid ah Qurba jooga ku nool UK ayaa manta ka soo degaya madaarka Hargeysa Halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Madax dhaqameedka Beesha iyo siyaasiyiin ay ka mid yihiin Xildhibaan C/laahi Xuseen (C/laahi Balaaki), Maayarka Gabilay iyo Salaadiin ay ka mid ahaayeen Suldaan Ibraahim Sulub iyo Suldaan Xildhibaan Ismaaciil Suldaan C/raxamaan oo dhamaantood ka mid ah Madax dhaqameedka hogaaminaya shirka Agabar.

Madax dhaqameedka oo Madaarka hargeysa qaybta VIP-da ku soo dhaweeyay Cabdi Dhhore Xirsi ayaa uga mahadnaqay sida mutadawcnimada leh ee uu ugu soo baqoolay Shirka, waxaanay ku booriyeen in ay kaalintooda ka qaataan, iyagoo ku soo dhaweeyay Gacmo furan.

Cabdi Dhoore ayaa uga mahadnaqay Madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta soo dhaweeyay, waxaanu xusay in ay lama huraan tahay in Dalka dib loo soo eego isla markaana laga war hayo kolba waayihiisu halka uu marayo, isagoo xusay Socdaalkiisu in uu la xidhiidho ka midho dhalinta shirka Beesha oo uu sheegay in uu ka mid yahay xubnaha Qurbaha uga soo hiloobaya.

Xasan Daa’uud oo ka mid ah Qurbajooga shirka u yimi balse muddo yar ka soo horeeyay Cabdi Dhoore ayaa ku soo dhaweeyay Madaarka waxaanu sheegay in uu filayay in Rag door ah oo Asxaabtiisii UK ahi ka daba iaman doonaan, isagaoao xusay mudadii uu ka soo horeeyay in ay wax badani uga baxeen Dalka iyo qaban qaabada shirkaba.