Madaxweynaha Somaliland oo wefti wasiiro ah u diray qiimaynta Cabashadii Magaalada Berbera.
Posted by xaaji on July 21 2013 15:32:48

Hargeysa(Hargeysa Online) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay u diray magaaladda Berbera Wefti Wasiiro ah kuwaas oo qiimayn ku soo samayn doonaa cabasho ay Reer Berbera.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa shalay u diray magaaladda Berbera Wefti Wasiiro ah kuwaas oo qiimayn ku soo samayn doonaa cabasho ay Reer Berbera Madaxweyne Siilaanyo u gudbiyeen kadib kulan ay ku yeesheen Qariga Madaxtooyadda.

Wasiiradda Madaxweyne Siilaanyo Berbera u diray waxa ay kala yihiin Wasiirka Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shire, Wasiiru-dawlaha Madaxtooyadda Maxamed Muuse Abees iyo Wasiir ku-xigeenka Amniga ee wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland.

Weftigan oo isla shalay gaadhay magaaladda Berbera ayaa xalay u hoyday waxaanay wadaan kulamo iyo Kormeero ay ku qiimaynayaan xaaladda magaaladaasi gaar ahaana adeegyda Aasaasiga ah ee ay ka cawdeen Reer Berbera oo kala ahaa Biyaha, Laydhka, Dhulka, Shamiitadda, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Weftiga Wasiiradda ahi waxay wadaan kulamo waxaanay saaka u jarmaadeen sidii ay goobahaas oo dhan u soo Indho Indhayn lahaayeen. Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Madaxtooyadda oo aanu khadka Telfoonka kula xidhiidhnay isagoo ku gudajira hawsha ay wadaan ayaa Hargeysa Online u xaqiijiyay in ay saaka mareen meelo ay ka mid Free Zone-ka Berbera, Biyo Guure iyo Nec Fish .

Wasiir Maxamed Muuse Abees waxa uu sheegay ujeedada Kormeerkoodani inay la xidhiidho sidii ay u joogsan lahaayeen Goob kasta oo ka mid ah magaaladda Berbera oo wax ka qabasho u baahan.

“ socdaalkayagu waxa uu la xidhiidhaa Digreetadii Madaxweyne Axmed Maxamed uu ka soo saaray Dhulka Berbera iyo goob kasta oo ka mid ah meelaha wax ka qabashada u baahan, saaka ayaanu bilownay waananu joogaynaa ilaa inta ay hawshaasi naga dhamaanayso” ayuu yidhi

Wasiiradda Berbera ku sugan waxa socdaalkooda ku wehelinaya Agaasimayaasha Wasaaradaha Kaluumaysiga iyo Deegaanka Maxamed Il-kacase iyo Maxamed Faarax.

Talaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee Madaxweyne Siilaanyo kaga jawaabo cabashooyinka Reer Berbera.