Jinku Weligiiba uu Inala Noolaa, ee Jini Araga ayaa Inagu Cusub.
Posted by abdi on July 21 2013 21:38:24

Inta noole soo jireyba dadku qabiil uu lahaa. Xayawaanka laftiisa ayaa
qabiil kala leh oo iyaga oo isku nooc ah ayaa hadana marka mid meel
kale ka yimi u soo wareego ay isugu tagaan oo weeraraan.


Extended News

Inta noole soo jireyba dadku qabiil uu lahaa. Xayawaanka laftiisa ayaa
qabiil kala leh oo iyaga oo isku nooc ah ayaa hadana marka mid meel
kale ka yimi u soo wareego ay isugu tagaan oo weeraraan. Inagana
qabiilku wax inagu cusub maaha ee waa qaab bulsho oo an la kowsanney
markii Ilaahey ina abuurey. Wax xumaan ah iyo cilad ahna malaha oo
wuxu ahaa wax dadku isku tilmaamsado. Alla ha u naxariistee Mohamed
Abdirahman “Lugooyo” ayaa gabey gabayadiisa ka mida ku darey “Dadkuba
Qeybo Waa Leeyahay iyo Qoliyo Reer Reer”. Wax jirey oo sii jiri doona
oo an kumanaan sanadood ku soo dhaqmeyney inan ka cabano maaha, eed
aanu muteysanna saarno.

Xiliyaddii sagaashanaadkii ee dagaaladu ka socdeen Muqdisho ayaa waxa
jirey beel aad isu hubeyn jirtey oo ciidan weyn sameysatey oo markasta
olole ku jiret sidii dagaal la iskugu diyaarin lahaa. Marka la
weydiiyo qaar iyaga ka mida ee la yidhaa waar waxan oo abaabul ah
xageed u waddaan, ayay odhan jireen miyeydaan arkeyn reer hebel, iyaga
ayaanu kaga hortageynaa. Reer hebelkan ay sheegayaan sidaaba uuma
muuqdaan oo uumaba eeka qolo dagaal ku jirta. Beelihii kale oo yaaban
aya markii danbe yidhi, malaha reer hebelkan ay dadkani u alaabo
urursanayaan waa jin aan cidi arkeyn, kuwan is abaabulayaana waa
jiniyo arag, illeyn waa kuwan inoo sheegaya wax aaan inaga inoo
muuqane.

5 malyuun ee mujtamaceennu ka koobanyahay qof walabaa reer ayuu ka
dhashey. Qofna lagalama tashan reerka uu noqonayo ee abuurtaa sida
aheyd. Qabiilkuna waanu hadleyne haddii uu hadlayo ama wax iska celin
karo in badan ayuu ka dhiidhiyi lahaa danbigan an maalin kasta ka
geleyno dadkeena ee an marka danbena saareyno wax qabiil la yidhaa oo
aan jawaabi karin. Dabiga umadda maalin kasta laga gelayo oo ay sabab
u yihiin Aqoondarro, Damac Xumo iyo Xilgudasho La’aan, ayaa dhabarka
laga saarayaa magac weligiiba meesha taagnaa oo malaayeen qof la soo
nooleyd.

Waxyaabaha qabiilka iyo xumaanta sii hurinaya waxa ka kow ah dadka isu
maleynaya iney qabiilka ka cabanayaan, balse xaqiiqdu ay tahay iney
noqdeenba idaacado qabiilka iyo xumaanta faafiya oo naxli abuuraya.
Dadkani waxa ay gashanyihiin muraayado wax weyneya oo ay ku eegaan wax
kasta oo la sameeyo si ay uuga soo saaraan ciriq qabiil. Wakhtigooda
oo dhan waxa ka qaada in hadalkii qof yidhaahdaba ama taladii la soo
jeediyaba ay ka eegaan xagga qabiilka. Laga yaabee qofka talada soo
jeediyey inu isaga laftiisu qabiil wax ku saleeyey, lagana yaabee iney
daacadba ka aheyd. Labadaba wey dhici kartaa. Balse, kan muraayadda
weyneysada ah gashani isagu caqligiisa iyo maskaxdiisa wuxu ka
buuxiyey aqoonta iyo taxliilka qabiilka iyo xumaan faqista.

Aragtida noocaas ihi waxa ay lumisay in la iska celiyo dadkii xumaanta
wadey. Masalan, qof wax xadey marka ad tidhaa nin reer hebel ah ayaa
wax xadey, tuugii tol ayaad u sameysey oo reer hebel oo dhan ayaaba
taageeraya, adaana taasi keeney. Waayo, adigaa hadalkaaga u dhigey
iney reer hebel oo dhami wax xadeen. Haddii aadan sida u jeedin maxaad
u weerari weydey ee ad u canbaareyn weydey tuuga laftiisa ee ad uuga
soo horjeedsan weydey mabda’a qaldan, inta ad sharxeyso tuugga illaa
reerkiisa.

Dhaqanno badano o xun ayaa jiraa oo noqdey qeyb ka mida nolosheena. Ha
noqoto dadka qaar cadaalad daro ku shaqeynaya, qaar aqoon daro wax ku
wada oo mujtamaca indhaha ka tuuraya. Dadkaa badankoodu qabiil iyo cid
kalena uuma daneynayaan ee dantooda shakhsiga ah ayay u
shaqeysanayaan. Ayaan daradyu waxa ay tahay halkii dagaal adag lala
geli lahaa Damac Xumada, Aqondarrada iyo maamulxumada ayaan waxa kasta
oo qof faashil ihi sameeyo ayaan qabiil u nisbeyneynaa. Halkii ay
aheyd la dhaleeceeyo mabda’a xun ayaa arrintii qabiil loo bedelayaa.
Kol haddii arinkii qabiil noqdana meel loo socon mayo oo shakhsi iyo
mujtamac dhan ayaad weerareysaa.

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com