Golaha Wadatashiga Iyo Toosinta Qaranka Oo Xukuumada Ku Eedeeyey Distoor Jabin.
Posted by abdi on July 23 2013 15:25:25

Hargeysa(Hargeysa Online)Qaar ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada oo si rasmiya uga mid noqday golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka oo laba todobaad ka hor lagaga dhawaaqay Hargeysa.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Qaar ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada oo si rasmiya uga mid noqday golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka oo laba todobaad ka hor lagaga dhawaaqay Hargeysa. Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ee ilaa hada si rasmiya u cadeeyay inay ka mid yihin golaha wadatashiga oo qaar ka mid ah laga soo doortayxisbul xaakimka Kulmiye ayaa waxaa ka mid ah xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ahaa mudanayaasha xisbigii Udub ee burburay, isla markaana ka mid ahaa xildhibaanadii ururkii Xaqsoor ee ku hadhay doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka qabsoontay 28-kii November 2012-kii. Md Maxamed Csimaan Bulqaas oo ka mid ah miudayaasha xisbul xaakimka Kulmiye ee golaha wakiilada ugu miisaanka culus, isla markaana cod toosa looga soo doortay deegaanada bariga Sanaag, ayaa isaguna ka mid ah mudanayaasha xisbul xaakimka ee safka hore kaga jira golaha wadatashiga, kaas oo sidoo kalena ka mid ah xildhibanada Kulmiye ee sida wayn u naqdiya hogaaminta xukuumada xisbigooda laga soo doortay ee uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxa kale oo jira xildhibaano ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka guurtida iyo wakiilada oo Hargeysa Online u xaqiiniyay inay soo dhawaynayaan golaha wadatashiga, tibaaxayna inay dhawaan si rasmiya shaaca uga qaadi doonaan mawqifkooda rasmiga ah. Dhinaca kale mudane Maxamed Cismaan Bulqaas oo shirjaraa’id oo golaha wadatashigu qabtay si cad u sheegay inaan golahaasi ka hor imanayn shuruucda dalka u taala.

Hargeysa Online