Axmed Is. Samatar Oo Markii U Horaysay Badalay Mawqifkiisii Somaliweyn, Kana Hadlay Gooni-Isku-Taaga Somaliland.
Posted by abdi on July 23 2013 15:35:25

Professor Axmed Ismaacil Samatar oo dabayaaqadii Bishii May Socdaal ku yimid Somaliland oo mudo bil ah ku sugnaa dalka si uu u indha-indheeyo xaalada Somaliland ayaa markii uu dalka Maraykanka dib ugu noqday.


Extended News

Professor Axmed Ismaacil Samatar oo dabayaaqadii Bishii May Socdaal ku yimid Somaliland oo mudo bil ah ku sugnaa dalka si uu u indha-indheeyo xaalada Somaliland ayaa markii uu dalka Maraykanka dib ugu noqday waxa uu shalay markii u horaysay sheegay inuu Badalay Mawqifkiisii uu muddada dheer aaminsanaa ee Somaliweyn. Professor Samatar ayaa sidaasi ku sheegay Waraysi dheer oo uu siiyey Telefishanka Universal, waxaan yidhi “Haa, Mawqifkaygii wax baa iska badalay, horta Soomaali-nimada iyo Islaamnimadu wax laga tagi karo maaha, hadaan ka tagana maxaan noqondee, anigaaban is garanayn waxaan noqdaba, laakiin dawlad-nimo si la isku xukumo way jiraan, waxa jira dad Soomaali ah oo Islaam ah oo Geeska Afrika ku nool oo Jamhuuriyadii gudaheeda aan ku jirin, Jabuuti ayaana ka mid ah Ismaaciil Cumar Geellena waa u Madaxweyne, waa qof Soomaali ah waana Islaam.

Dadka Kililka Shanaad ku nool oo Qoyskaygu ay degan jihiin Ilaa Aw Bare ilaa Diri-dhaba ilaa Jig-jiga, dadka ku nooli waa Soomaali waa dadkii qayskayaga ahaa, laakiin waa reer Ethiopia oo xukun ahaan iyo siyaasad ahaan Ethiopia ayay ku xidhan yihiin, NFD sidaas oo kale ayay tahay, markaa sida la isku xukumayaa waa kolba sidii loo heshiiyo. Markaa anigu waxaan soo ogaaday oo socodkani uu indhahayga igu tusay Somaliland intooda faraha badani oo aan reer qudha ahayn inay quus ka qaadeen siyaasadii Soomaaliweyn ilaa maantadaa aan loo fadhiyin wax ka soo socda oo rajo ah oo soo noolaysa qalbigii is ogolaanshaha, keentana siyaasad cusub iyo karti cusub iyo cadaalad cusub aanay arkayn, kolkaa waxay goosteen inay is-maamulaan oo ay dawladd gooni ah samaystaan oo degmadoodii dhistaan oo wadankaasi wixii ay ka qabsan karayaan ay ka qabsadaan, anigu taas dood badan baan ka qabay intii hore Xamarna waan soo arkay oo waan tagay anigoo musharax xisbiga Hiil Qaran u ah, hadana Somaliland ayaan soo maray oo dadkeedii caadiga ahaa soo waraystay, soo ursaday, indhahayga ku soo arkay, dhagahayga ku soo maqlay, soo dhadhamiyey siday shucuurtoodu tahay iyo halkay taagan yihiin, wax badan bay qabsadeen wax badana way u dhiman yihiin, laakiin waxay ku kalsoon yihiin in hawshooda ay sidaa u wataan, markaa waxa iska badalay aniga waxa weeyi markaan dadkii sidaa usoo arkay yaan ahay in aan ku idhaa waxan aad qabsateen maaha wax u baahan in la ilaaliyo oo la garto, yaan ahay in aan ku idhaahdo mustaqbalka kama tashan kartaan, markaa waxa ii muuqatay in intaan la qaban karo oo aan la raaco waxa wanaagsan ee ay wataan wixii aan la hagaajin karayo ee khaladaad yaalana aan la hagaajiyo”. Prof. Samatar oo la waydiiyey inuu Somaliland ku raacay Go’itaanka ayaa waxa uu yidhi “Dee anigu kalmada go’iinka ah sida qoonka xun looga dhigay ma qabo, dadka Somaliland yaan la odhanin Somali ayay ka go’ayaan, balse su’aasha la is waydiinayaa waa inay noqotaa, waar dadkii Somaliland maxaa ku kalifay inay soo joogsan waayaan meel Jamhuuriyadii Soomaalidu joogto oo ay yidhaahaan Soomaalidu nama khaarajinayso, su’aashu waa taa weeyaan, laakiin in lagu boodo oo la yidhaa way go’ayaan markaa waa arin xun, anigu waxaan qabaa falanqayna ma’aha, su’aashii dhabta ahaydna maaha, su’aasha dhabta ahi waxa weeyaan maxaa dadkan ku kalifay, waxa ku kalifayna waan soo arkay horena waan u ogaa”.

Prof. Samatar waxa kale oo la waydiiyey inuu Soomaalidu ay is wada dhibaataysay oo dagaalo iyo mishkilado ay ka dhaceen Gobolada Badhtamaha, Koonfurta iyo Bariga Somalia, balse waxa Somaliland caydhiyey oo kaliya waxa ay tahay, ayaa waxa uu ku jawaabay “Dee halka aad ka bilaabayso doodaada, inkasta oo su’aashu haboon tahay, dooda halka aad ka bilaabayso ayaan anigu qabaa inay qaldan tahay, dadka Somalilandna qabaan inay qaldan tahay, waxani qabiil qabiil uun ma’aha, dooda ugu wayni waxa weeyi Jamhuuriyada Soomaalidu siday ku dhalatay? Waxay ku dhalatay laba wadan oo calankuna ka markhaati yahay, calanku qabiil qabiil ma’aha calaamadiisu, labadan oo Soomaali ah ayaa shantii nasiib u yeeshay intay dawladdnimo qaataan inay isku yimaadaan, ta ugu horaysaana ay lahayd waxan la yidhaa Somaliland, Somaliland wax shalay la abuuray maaha 1992-dii wax la abuuray maaha, lama abuurin way jiri jirtay, wakhtigii gumaysigay jiri jirtay, ka hor bay jiri jirtay, markaa iyagu waxay ku leeyihiin taariikhduna ay ku raacsan tahay wadan caynkaas ah ayaa jiri jirtay, dadkii halkaa joogay Laascaanood ilaa Ceerigaabo ilaa Saylac inta u dhaxaysa intoodii badnaydana waxay isku raaceen inay ka qaybgalaan sida loo balaadhinayo Soomali-nimadii siyaasad ahaan ee loo dhisayo qaran cusub oo la yidhaahdo Somali Republic iyagoo sidii xeedhada Muqumada ah ay xidhan tahay oo qurux badan tahay ayay Xamar geeyeen, waxay ku leeyhiin taariikhduna ay dhigaysaa 53 sanadood qof reer waqooyi ahi oo Somaliland ka yimid wadankaa Madaxweyne kama noqon, markaa inta taa hoos loo soo dhigo la yidhaa beelahan kaleba may yeelan gobolada dhexe iyo gobolada bari iyo kuwa koonfureed may yeelan isma qabanayso doodaasi, doodaasi waxay isku qabanaysaa waxa weeyi laba wadan oo isku soo biiray ma wada yeesheen Jamhuuriyadii Soomaaliya 53 sanadood ee u dambeeyey ma la wada yeeshay dadka Somaliland waxay leeyhiin lama wada yeelan, aniguna taa waan ku raacsanahay oo waan dersay. Xisaabta ay ku dhisan tahay sida wax loo qaybsanayaa waa in marka hore la is waydiiyaa, anigu waxaan qabaa dadka reer Waqooyigu ee Somaliland inay iyagu qalad weyn galeen markii la isku soo biirayey inay galeen waanay garteen, maantana way garanayaan in la yidhaahdo sidaynu wax iskugu darsanaa, maxaynu kala yeelanaa sidaynu wax u wada yeelanaa, may samayn taas halkaas ayuu khadaldku ka dhacay in la yidhaa 33 Hibitati ayaad leedihiin halka kalena waxay leeyihiin 123-ka intii ka soo hadhay ayay leeyihiin aqlabiyada sidaa u balaadhan, dee in muran laga galo oo dood laga galo ayay ahayd ayaan anigu qabaa, laba wadan oo isku soo biirayaan in ugu yaraan sida loo qaybsanayo xaga sare, heshiis ama mid qoran ha noqdo ama mid lagu heshiiyey oo maskaxda lagu hayo ha noqotee in meel la isla dhigo ayay ahayd, laakiin wax alla wixii oo dhan Madaxweynoow, Raysal Wasaaroow, Ciidamada Madaxdoodiiyoow wixii oo dhan ha lagu shubo Italian Somalia, anigu waxaan qabaa gafkaasi iyaguna dadkii Somaliland in aanay iska garan wakhtigaasi oo ay goor dambe tooseen, dadkii ay ula yimaadeena ay u garan waayeen oo ay yidhaahdaan mayee aynu arintaa dib ugu noqono. Laakiin waxay tahay mar hadii ay qaldameen in taasi tahay mar I dage alla ha dago mar labaad I dage se anaa isku dagay?”. Mr Samatar oo wariyuhu uu waydiiyey in Somaliland hada ay Beel kaliyii 90% xilalka xukuumada iyo mansabyada sare ay hayso ayaa waxa uu kaga jawaabay “Hadii aad leedahay siyaasada xukunkii ma reer baa qaatay, taasi waa su’aal, su’aasha kalena waxa weeyaan wixii khayraad ah ee meesha yaalay xaq ma loo wada leeyahay oo ma loo siman yahay, taasina waa su’aal? Labadaasi laba su’aalood weeyaan ee waa in la kala saaro. Anigu waxaan qabaa Somaliland waa ilaa 1991, sideed sanadood nin Samaroon ah ayaa Madaxweyne ka ahaa, dee lama odhan karo markaa Madaxtinimada Somaliland reer qudha Isaaquunbaa iska haysta lama odhan karo oo Statistics ayaa ku tusaysa, 53 sanadood lama hayo qof reer waqooyiya oo Somaliland ka yimid Oo Madaxweyne ka noqda Somalia lama hayo. Wayse dhacday in wax ka yar 20 sanadood qof aan Isaaq ahayni waliba sideed sanadood ka noqdo oo nin Isaaq ah la galay tartanka Madaxweynaha hadda taagan Axmed Siilaanyo uu kaga adkaado 90 cod wax aan dhamayn uu kaga adkaado oo muftaaxii loo dhiibo, kamay dhicin waligeed koonfur taasi.