Salaadiinta Dhexdhexaadinta Ka Dhex Wada Xukuumada Iyo Golaha Wadatashiga Oo Xalay La Kulmay Hogaamiyeyaasha Golahaasi.
Posted by abdi on July 25 2013 14:37:00

Hargeysa(Hargeysa Online)Salaadiintii Ergada dhexdhexaadinta ah ka dhex waday khilaafka cakiran ee u dhexeeya xukuumada iyo golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ee dhawaan lagaga dhawaaqay Hargeysa ayaa xalay la kulmay hogaamiyayaasha golah wadatashiga.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Salaadiintii Ergada dhexdhexaadinta ah ka dhex waday khilaafka cakiran ee u dhexeeya xukuumada iyo golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka ee dhawaan lagaga dhawaaqay Hargeysa ayaa xalay la kulmay hogaamiyayaasha golah wadatashiga. Sida ay Hargeysa Online u xaqijyeen ilo xogogaal ah oo u dhuun-daloola kulankaasi salaadiinta iyo hogaamiyaasha golahaasi ku dhex maray xalay Gest House-ka Hoteelka Ambassador. Salaadiinta dhexdhexaadinta wada ayaa la sheegay inay hogaamiyeyaasha wadatashiga ka codsadeen inay badalaan magaca golaha ay la baxeen, taas darteedna ilo wareedyadu waxay tibaaxeen in hogaamiyayaasha golaha wadatashigu ay ku wargeliyeen Salaadiinta in arrinkaasi ay wadatashi ka yeelan doonaan, kadibna ay go’aan cad u soo gudbin doonaam maanta. Waxa kale oo ilo wareedyadu intaasi ku darayaan in Salaadintu hogaamiyayaasha wadatashiga u balan qaadeen in si gaara ay ula kulmi doonaan Madaxweynaha oo aanay xubno wasiiro ah la kulmi doonin.

Ilo wareedyada u dhuun-daloolay kulankaasi oo magacooda ka gaabsaday ayaa tibaaxay “Salaadiintu waxa ay u yimaadeen xalay oo ay kulan kula yeesheen Gast House-ka Hotelka Ambassador ee Hargeysa hogaamiyayaasha golaha wadatashiga iyo toosinta qaranka, Salaadiintu, Markii ay dhagaysteen dacwadii golaha wadatashiga waxay ku yidhaahdeen Salaadiintu, waxaanu idiin balan qaadaynaa inaydaan wasiirka arrimaha gudaha Cali Warancade iyo wasiirka Madaxtooyada toona aydaan la kulmin, balse aad la kulantaan Madaxweynaha haddii qodobada aad ka cabanaysaan uu Madaxweynuhu badali waayana aanu idinka idin taageeri doono, balse golaha waxbaa la galiyay maxastii iyo shacbigii oo waxa la yidhi, in golihiinu shacri daro yahay, sidaa darteed waxaanu idinka codsanaynaa inaad badashaan magacan golaha. Hase yeeshee Hogaamiyayaasha wadatashiguna waxay ku yidhaahdeen arrinkaasi talo iyo wadatashi ayaanu ka yeelanaynaa intaydaan madaxweynaha u tagina maanta go’aan rasmiya ayaanu idiinka soo gudbinaynaa arrinkaasi”.

Hargeysa Online