Xubno Ka Tirsan Golaha Wasiirada Oo La Sheegay Inay Ku Kala Qaybsameen Xilliga La Bixinayo Darajada Ciidamada.
Posted by xaaji on July 28 2013 15:03:11

Hargeysa(Hargeysa Online) Guddi ka tirsan Golaha Wasiirada oo shalay kulan ku yeeshay miiska saraakiisha ee magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inay ku kala aragti duwanaadeen wakhtiga la bixinayo darajada ciidamada ee qaybaha kala duwan.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Guddi ka tirsan Golaha Wasiirada oo shalay kulan ku yeeshay miiska saraakiisha ee magaalada Hargeysa ayaa la sheegay inay ku kala aragti duwanaadeen wakhtiga la bixinayo darajada ciidamada ee qaybaha kala duwan. Sida ay Hargeysa Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo u dhuun daloola kulankaasi ayaa sheegay in darajada ciidamada oo wasiirka gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami uu todobaadkii hore dabayaaqadiisii ka sheegay TV-ga dawlada in darajadii ciidamada la bixin doono maalinta Ciidda, ayaa la sheegay in wasiirada qaarkood ay soo jeediyeen inaan lagu degdegin bixinta darajada ciidamada, lagana baaraandago xilliga ku haboon bixinta darajadaasi. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa xubnaha soo jeediyay in laga baaraandago, hase yeeshee xubno uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa wasiirada iyagu ku dooday in darajada la bixiyo muddadaasi ciidda. Dhinaca kale wasiiradaas ayaa la filayaa inay maanta iskugu iman doonaan kulan labaad miiska saraakiisha si ay uga wada hadlaan wakhtiga ku haboon ee darajada ciidamada la bixin doono. Saddexdii bishii February 2013-da ayay ahayd Markii Madaxweyne Siilaanyo munaasibadii sanadguurada ciidamada Qaranka uu ku tolay darajooyinka ciidamada taliyayaasha sare iyo taliye ku xigeenada ciidamada Qaranka Milatariga, Bileyska, Asluubta iyo ilaalada Xeebaha, kuwaas oo tiradoodu ahayd 12 xubnood oo la siiyay taliyaha ciidanka qaranka darajada ugu saraysa oo ah sareeye gaas, halka taliyayaasha ciidamada Bileyska, Asluubta iyo ilaalada xeebaha la siiyay darajada sareeye guuto. Si kastaba ha ahaatee Ilaa hada lama garanayo caqabadaha ka hor yimid in la bixiyo darajooyinka saraakiisha iyo qaybaha kala duwan ee ciidamada.