Madaxweyne Siilaanyo Oo Xalay Madaxtooyada Ku Qaabilsay Sh. Xuseen Nuur Qalinle Oo Ka Mid Ah Culimada G/Awdal.
Posted by xaaji on July 28 2013 15:10:37

Hargeysa(Hargeysa Online)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Gobolka Awdal.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa xalay Qasriga Madaxtooyada ku qaabiley Sheekh Xuseen Nuur Qalinle oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Gobolka Awdal, kaas oo  wax ka dhiga Markiska Weyn ee Iimaamu Shaadibi oo uu ka dhigo Qur’aanka Kariimka ah. Sheekh Xuseen ayaa xooga xooga Saara Dadka Waaweyn waxaanu Sheeku ku guulaystay Jaa’isad la yidhaa Raabidatu Caalamu Islaam taasi oo la siiyo Macalinka ugu wanaagsan sanad walba aduunka oo uu sanadkan 2013-ka ku guulaystay Sheekh Xuseen Nuur. Gudida bixisa jaa’isadan oo fadhigeedu yahay Sucuudi Arabiya ayaa Bishan Ramadaan ee Barakaysan waxa ay Sheekha u garteen inuu isagu noqdo qofkii ugu mudnaa Caalamka ee ku guulaysta Abaal-marintan. Kulankan oo Madaxweynuhu uu ugu Hambalyeynayey Sheekha Jaa’isadaa qaaliga ah ee uu ku guulaystay iyo magaca uu u soo hooyey dalkiisa hooyaba waxa uu madaxweynuhu sheekha ku hambalyey kuna dhiiri geliyey in uu dedaalkiisa halkaasi ka sii wado. Waxa Madaxwweynaha kulankan ku wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan CabdilaahI Ismaaciil (Saylici) iyo Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees iyo Culimo badan oo sheekha la socotay.