Xukuumada Oo Heegan Culus Galisay Ciidamada Amaanka Iyo Al-shabaab Oo La Sheegay In Weeraro Qorshaysan Ay U Soo Maleegeen Somaliland.
Posted by abdi on July 29 2013 15:28:52

Hargeysa(Hargeysa Online)Xukuumada Somaliland ayaa heegan culus galisay ciidamdaa amaanka, isla markaana xoojisay amaanka xarumaha ay degan yihiin hay’adaha Qaramada midoobay iyo hay’adaha caalimiga ah ee degan caasimada Hargeysa.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Xukuumada Somaliland ayaa heegan culus galisay ciidamdaa amaanka, isla markaana xoojisay amaanka xarumaha ay degan yihiin hay’adaha Qaramada midoobay iyo hay’adaha caalimiga ah ee degan caasimada Hargeysa. Maalintii shalay ayaa ardayda wax ka barata Jaamacadaha Hargeysa irridaha loo xidhay, iyadoo ardaydii galinkii dambe soo galaysayna maamulka Jaamacadu ku wargaliyay inanay imanin ilaa amar dambe. Xarumaha ay degan yihiin hay’adaha qaramada midoobay iyo shaqaalaha ajaanibka ee ka hawlgala, ayaa lagu amray inay si ku meelgaadh ah ugu sii shaqeeyaan guryaha ay degan yihiin, iyadoo ciidamada ilaalada u ahaana ciidamo kale lagu xoojiyay. Dhinaca kale waxaa si weyn loo adkeeyay amaanka Madaarada diyaaraduhu ka duulaan iyo guud ahaanba xarumaha hay’adaha dawlada, kuwaas oo xalayna xaafadaha iyo jidadka caasimada ay gaaf wareegayeen ciidamada amaanka oo ku gaashaaman gaadiidkooda. Ilaa hada xukuumada Somaliland kamay warbixin xaalada soo korodhay, balse waxay ilo wareedyadu sheegayaan in la helay xogo ka soo baxay ururka Al-shabaab oo weeraro ay ku qorshaynayaan qaraxyo iyo ismiidaamin ay la maagan yihiin inay ka fuliyaan Somaliland, taas oo ilo wareedyadu tibaaxeen ilaa inta laga gun gaadhayo xogahaasi in xaalada maanka lagu xoojinayaa ay sii socon doonaan, Ururka Al-shabaab ayaa bishii Oktoobar 2008-dii ka fulisay Somaliland weerao qaraxyo ah qasriga madaxtooyada, xarunta UNDP iyo xafiiska wakiilka Itoobiya ee Hargeysa, halkaasi oo ay ku dhinteen dad gaadhaya soddomeeyo kuna dhaawacmeen ilaa afartan qof.