Gudoomiyaha Guddiga Nabadgalyada Guurtida Oo Ka Digay Tacadiyada Kufsiga Ee Dalka Ku Soo Badanaya.
Posted by abdi on July 29 2013 15:33:05

Hargeysa(Hargeysa Online)Gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada golaha guurtida Somaliland Axmed Muuse Obsiiye ayaa walaac ka muujiyay falalka Kufsiga ah ee ku soo badanaya sanadihii u dambeeyay dalka.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Gudoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo nabadgalyada golaha guurtida Somaliland Axmed Muuse Obsiiye ayaa walaac ka muujiyay falalka Kufsiga ah ee ku soo badanaya sanadihii u dambeeyay dalka, kaas oo ku baaqay in dadka ku kaca tacadiyada kufsiga lagu qaado xukun xadhiga oo aan ka yarayn toban sanadood oo xadhiga. Md Obsiiye ayaa sidoo kale ku baaqay in hay’adaha amaanka ay si dhakhso ah ug ahortagaan falalka dhaqan xumada ah ee Kufsigu ka mid yahay.

Muddooyinkii u dambeeyay waxa aad looga hadlayay falalka dhaqan xumada ah ee Kufsiga oo sanadahan u dambeeyay dalka ku soo badanayay, taas oo loo baahan yahay si dhakhso ah looga hortago tacadiyada kufsiga, oo isku badlaya kufsi wadareedyo, falkaas oo dhaqankii suubanaa ee bulshadu lahayd fasahaadinaya” Md Obsiiye oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray “Cida ku kacda fal kufsi ee lagu soo qabto waa in lagu xukumo xadhig toban sanadood ah, hay’adaha garsoorkuna waa inay cusleeyaan ciqaabta iyo xadhiga kiisaska kufsiga. Hay’adaha amaankuna waa inay xil gaara iska saaraan sidii loo cidhibtiri lahaa fal dambiyeedyadaasi foosha xun”