Xukuumada Oo Iclaamisay Dhamaystirka Madaarka Caasimada iyo Xilliga Alaabada Loo Furayo.
Posted by abdi on July 29 2013 15:36:38

Hargeysa(Hargeysa Online)Culimada iyo Salaadiinta Somaliland ayaa kormeer ku soo maray shalay galab Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa oo la dhamaystiray dib u dhis iyo casriyayn balaadhan oo ka socotay dhabaha diyaaraduhu ka haadaadaan.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Culimada iyo Salaadiinta Somaliland ayaa kormeer ku soo maray shalay galab Madaarka Cigaal ee Caasimada Hargeysa oo la dhamaystiray dib u dhis iyo casriyayn balaadhan oo ka socotay dhabaha diyaaraduhu ka haadaadaan. Culimada iyo Salaadiinta Somaliland waxa halkaasi ku qaabilay oo soo dhaweeyay Wasiirka duulista hawada iyo gaadiidka cirka. Maxamuud Xaashi Cabdi oo uga xog waramay mashaariicda horumarineed ee ka socday Aiport-ka. Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu xalay soo saaray sarkaalka Baratakoolka u qaabilsan wasaarada Duulista Mr. Cabdilaahi Axmed Caarshe waxaanu u dhignaa war-saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:- “Culimaa’u diin aad u tirro badan iyo madax dhaqameedka Somaliland ayaa Booqasho ballaadhan galabta ku soo kormeeray madaarka caalamiga ah ah ee Igal International Airport Hargeysa, kaasoo dhismihiisii si rasmi ah loo soo gebagebeeyey lana furayo wixii ciida ka danbeeya haddii ALLE idmo. Culimaa’u diinka iyo salaadiinta Somaliland ayaa indhohooda ku soo arkay waxqabadka laxaadka leh ee laga hirgeliyey madaarka caalamiga ah ee Igal International Airport, waxaana culaamu’diinka iyo salaadiinta Madaarka ku qaabilay xubno ka tirsan golaha xukuumadda oo uu ugu horeeyey Wasiirka Wasaarada Duulista hawada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiirka Wasaarada Hawlaha guud iyo Guryaynta C/risaaq Khaliif Axmed, wasiiru-dawlaha madaxtooyada Maxamed Muuse abees. Wasiirka wasaarada duulista hawada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa faah faahin ka bixiyey mar xaaladii uu madaarku soo maray, sidoo kalena cadeeyey in uu dhamaday madaarku keliya calaamadii loo samaynayo bacda ciidna uu furmayo. Qaar ka mid ah culimaa’u diinka ayaa hadal mahad naq ah wasiirka u soo jeediyey culimada halkaas ka hadlayna waxaa ka mid ahaa Sheekha Macalin Cabdi Carab, sheikh Cismaan Laangadhe iyo qaar ka mid ah madax dhaqmeedka oo uu ka mid ahaa Suldaan Axmed Daahir iyo Suldaan Siciid Yuusuf kuwaasoo dhamaantood u qushuucay waxqabadka ha hirgalay madaarada Somaliland, kuna amaanay wasiirka iyo xukuumadda madaxweyne Axmed Maxmed Maxamuud Siillaanyo. Culimada ballaadhan ee booqatay madaarka waxaa horcayey Sheekh Maxamed Adaan, Sheekh macalin Cabdi Craab, Sheekh Maxamed Cali Gadhle, Sheekh Cismaan Laangaadhe, sheikh Maxamed Cali Bixi iyo culimo kale aad u tiro badan. Markii ay booqashaadaasi oo soo dhamaatay wuxuu wasiirku afur ugu sameeyey culimada Somaliland iyo salaadiinta hoteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa.”