UNSOM Oo Bilaabay Dhaqdhaqaaqyo Iyo Digniino Amaan Daro Oo Lidi Ku Ah Nabadgalyada Somaliland.
Posted by abdi on July 31 2013 14:26:59

Hargeysa(Hargeysa Online)Xafiiska Siyaasadda u qaabilsan Qaramadda Midoobey ee uu horjoogaha ka yahay Ergeyga Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Somaliland iyo Somalia.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Xafiiska Siyaasadda u qaabilsan Qaramadda Midoobey ee uu horjoogaha ka yahay Ergeyga Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Mr Nicholas Key oo dhawaan xukuumadda Somaliland ka mabnuucday in xafiiskiisa siyaasadeed laga furo Caasimadda dalka ee Hargeysa, isla markaana ay xaruntiisu tahay Magaaladda Muqdisho ayaa sida ilo wareedo lagu kalsoon yahay ay Hargeysa Online u sheegeen todobaadadii ugu danbeeyey ku mashquulsanaa dhaqdhaqaaqyo lagu mijo xaabinayo Amniga Somaliland. Ilo-wareedadan ayaa waxay intaas ku dareen inay arimahaas soo dadajisay ka dib markii todobaadkii hore Ergayga Xoghayaha guud Ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Somalia Mr Nicholas Key uu digniin u soo diray shaqaalaha hay’adaa Qaramada Midoobay ee Somaliland ka hawlgala, kuwaas oo uu ku wargaliyey inay ka feejignaadaan weeraro laga cabsi qabo inay Somaliland ka dhacaan. Sidoo kale digniintan uu Nicholas Key uu diray shaqaalihiisa Hargeysa ka hawlgala ayaa noqotay mid bar-kuma taal ah ka dib markii ay beenowday digniintiisaasi. Dhinaca kale Saddex maalmood ka hor ayey ahayd markii dhamaan hay’adaha Shisheeye ee ka hawlgala Somaliland iyo Somalia la galiyey xaalad digtooni ah iyo heegan buuxa ka dib markii sida ay sheegeen Madaxda Xafiiska UNSOM inay heleen xogo hoose oo ay u soo gudbiyeen Sirdoonka reer Galbeedku, isla markaana ay arkeen hanjabaado ka soo yeedhay Xoogaga Al-Shabaab oo iyagu nidar ku galay inay qaraxyo ka fulin doonaan deegaano ka mid ah Mandaqada. Iyada ay taasi jirto ayaa hadana waxa arimahaas barbar socda xogo kale oo sheegaya in Xafiiska siyaasadda u qaabilsan Qaramadda Madoobay ee saldhigiisu yahay Muqdisho inuu ku mashquulsan yahay borobogaando uu ku mijo xaabinayo Amniga Somaliland oo uu ku tilmaamay mid aan u babac-dhigi Karin weerarada kooxaha xagjirka, taas oo la tibaaxay in madaxa Xafiiskaa Nicholas Key uu uga dan leeyahay inuu Culays ku saaro Somaliland si ay uga qaybgasho shirka Somalia dhawaan loogu qabandoono Caasimadda dalka Belguimka.