Guddidii Madaxweyne Siilaanyo U Saaray Ka Hortaga Tahriibka Oo Warbixin Ka Dhagaystay Laanta Socdaalka.
Posted by abdi on July 31 2013 14:35:29

Hargeysa(Hargeysa Online)Gudigii heer Wasiir ee dhowaan Madaxweynaha Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay ka hortagga Tahriibka iyo shaqo abuurka.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Gudigii heer Wasiir ee dhowaan Madaxweynaha Somaliland Mudane. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) u magacaabay ka hortagga Tahriibka iyo shaqo abuurka ayaa shalay warbixin ka dhegaystay Taliyaha Laanta socdaalka Maxamed Cali Yuusuf Taliyuhu waxa warbixintiisa ku sheegay inay hay’ad ahaan ka hawl-galeen dhammaan deegaamada ay xarumaha ku leeyihiin ee Gobollada Somaliland, gaar ahaana ay awooda saareen magaalooyinka xuduudaha ku yaalla, isla markaana wacyi-gelin laga sameeyey, si ay uga hortagaan Tahriibayaasha iskaga talaabaya xuduuda labada dhinac, iyagoo wada shaqayn ka helaya dalalka deriska ah. Taliyaha Laanta Socdaalka Maxamed Cali Yuusuf waxa uu u cadeeyey guddida inay gacanta ku soo dhigeen dad Tahriibaya iyo kuwii mukhalasiinta ahaa ee Tahriibinayeyba, cadaalada-na la hor keeni doono dhowaan. Wasiirka wasaarada shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre (Garaad) oo ku hadlayey magaca guddida ka hortagga Tahriibta iyo shaqo abuurka ayaa isna munaasabadaasi ka sheegay in shirkii sadexaad ee gudida la qaban doono Tobanka bisha soo socota laguna sii wadayo daraasada lagu hayo waxyaabaha keenaya tahriibta iyo sababaha lagu joojin karo. Wasiir Garaad waxa uu sheegay inay Xukuumadda ka go’an tahay dhamaystirka xogta lagama maarmaanka u ah sida wax looga qabanayo tahriibta loona yarayn karo dhibaatada isa soo taraysa ee ay maalinba ta xigta ku hayso bulshada Somaliland iyo guud ahaan dalalka Gobolka.