Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir Oo Fariin U Diray Salaadiinta Isku Xilqaamay Xalinta Khilaafka Xukuumadda.
Posted by abdi on August 02 2013 14:52:53

Hargeysa(Hargeysa Online)Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir ayaa dareen shaki leh ka muujiyey hawlaha shaqo ee guddida Salaadiinta.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/Qaadir ayaa dareen shaki leh ka muujiyey hawlaha shaqo ee guddida Salaadiinta ah ee isku xilqaamay inay xaliyaan khilaafka sharci ee cakiran ee ka dhextaagan Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka iyo Xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo. Suldaan Maxamed oo fariin duurxul ah u diray Salaadiintaas waxa uu uga digay inay dhexdhexaadnimada ka tagaan oo ay dhinaca xukuumadda u janjeedhsamaan, kaas oo ugu baaqay inay ka waantoobaan in dhabarka laga taabto oo  arintoodu ay fashilanto. Suldaanka guud ee beelaha Somaliland waxa uu sidaas ku sheegay mar uu Xalay ka hadlayey Hotel casri ah oo laga furay magaalada Hargeysa, kaas oo sidoo kale waxa uu qurba joogta Somaliland ugu baaqay inay dhalinyarada wadanka ku sugan ka wacyi geliyaan tahriibka oo uu sheegay inay faraha ka baxday.ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlayana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Qurba joogta waxaan leeyahay waa inaad falawgeeda gashaan sidii aan caruurta wadanka ku sugan uga wacyi gelin lahaydeen tahriibka, waana inaydaan qurbaha u amaanin dhalinyarada wadanka ku sugan”. Suldaanka Maxamed Suldaan C/ Qaadir ayaa isaga oo fariin u diraya salaadiinta dhex dhexaadinta ka dhex wada golaha wada tashiga iyo xukuumada waxa uu yidhi “Guddida salaadiinta ah ee isku xil qaantay  inay xaliyaan khilaafka maanta ka taagan Somaliland waxaan leeyahay cadaalad ku shaqeeya, yaan dhabarka laydin taaban, kaalinta aad maanta taagan tihiin waa mid aad wax ku  kala goyn kartaan , haddii aydun  taa ka soo bixi waydaan waxaan idin leeyahay aniguna hawshaydii ayaan qabsan