Doon U Rarnayd Ganacsato Reer Somaliland Ah Oo Siday Xoolo Iyo 11 qof Oo Saarnaa Oo Ku Degtay Badda.
Posted by abdi on August 02 2013 15:00:33

Bebera(Hargeysa Online)Doon u rarnayd ganacsato reer Somaliland ah oo siday Xoolo dhan shan boqol oo Neef oo Dibi, saddex boqol oo Adhi ah iyo Kow iyo toban qof ayaa la cadeeyay inay Degtay.


Extended News

Bebera(Hargeysa Online)Doon u rarnayd ganacsato reer Somaliland ah oo siday Xoolo dhan shan boqol oo Neef oo Dibi, saddex boqol oo Adhi ah iyo Kow iyo toban qof ayaa la cadeeyay inay Degtay, isla markaana wixii saarnaa oo dhami ay ku qaraqmeen badda. Sida la xaqiijiyay Doontaasi oo magaceeda lagu sheegay Saciid 2 oo laba cisho la la’aa ayaa Dekada magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ka shiraacatay maalintii Salaasada ee 30/7/2013, taas oo  la sheegay inay degtay, isla markaana ay ku Geeriyoodeen Kow iyo tobankii qof ee saarnaa iyo Xoolihii ay siday. Doontan ayaa ku sii jeeday Dalka Yemen, hase yeeshee ilaa hada lama garanayo sababta keentay shilka doontaasi, balse xilliyadan ayaa la sheegaa in dabaylo iyo Duufaano is wataa ka dhacayaan Badda iyo dhulka xeebaha Somaliland, sida duufaan dabaylo wataa oo habeen hore ku dhufatay deegaanka Degmada Saylac ee xarunta gobolka Selel.

Ilaa hada lama sheegin wax ka badbaaday doontaasi iyo halka ay ku degtay toona, hase yeeshee qaar ka mid ah ganacsatada ayaa sheegay meel u dhaxaysa Berbera iyo Yemen dhexdooda in ay ku degtay Masuuliyiinta dekada Berbera iyo ganacsatada oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino dhacdadaasi ayaanay noo suuto galin inaanu khadka Tilifoonka ku helno.