Qoys reer guuraa ahaa oo lagu laayey iyaga iyo xoolahoodiiba gobolka galgaduud ee somalia.
Posted by abdi on August 02 2013 15:11:21

Kooxo hubeysan ayaa saqdii dhexe ee habeen hore weeraray qoys reer guuraa ah oo hurdayey degaano ku yaala duleedka degaaanka Qeydaraee ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.


Extended News

Kooxo hubeysan ayaa saqdii dhexe ee habeen hore weeraray qoys reer guuraa ah oo hurdayey degaano ku yaala duleedka degaaanka Qeydaraee ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.

Wararku waxay sheegayaan in kooxdan hubeysan ay rasaas ooda kaga qaadeen xili ay hurdayeen qoys ka koobnaa todoba caruura oo walaalo ah taasoo sababtay geerida afar gabdhood iyo dhaawaca sadex kale kuwasoo dhamaantood walaalo ahaa.



Goob joogayaal degaanadaas ku sugan ayaa sheegay in qoyskan aabahood uu horey u geeriyooday, markii weerarkan uu dhacayeyna ay hooyadoodna ka maqnayd guriga, iyagoo xusay in qaar ka mid ah caruurta walaalaha ah ee dhimashada iyo dhaawaca loo geystay ay ku jiraan caruur aad u dayar.

Kooxda dilkan foosha xun geysatay ayaa baxsatay, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in falkan ay ku fuliyeen xataa xoolihii reerku lahayeen oo ay rasaas iyagan ooda kaga qaadeen.

Dadka qaar ayaa sheegayay in uu weerarkani salka ku hayo dilal aanooyin qabiil ah oo mudooyinkanba u dhexeeyey labo beelood oo degaanadaas wada dega, waxaana la soo sheegayaa iney degaanadaas laga dareemayo xiisad ka dhalatay weerarkan, iyadoo laga cabsi qabo iney dhacaan dilal kale oo aargoosi ah.

dilqoys1.jpgdilqoys2.jpg

dilqoys3.jpg