Maxkamadda Maroodi- Jeex Oo 21 Dhalinyaro Ah Oo Kufsi Ku Eedaysnaa Xukuno Kala Duwan Ku Riday.
Posted by abdi on August 05 2013 15:05:14

Hargeysa(Hargeysa Online)Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa shalay xukuno kala duwan ku riday 21 Wiil oo dhalinyaro ah oo ku eedaysnaa Kufsi wadareed, kuwaas oo lagu kala xukumay xabsi gaadhaya 5 ilaa 10 sano.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Maxkamada Gobolka Hargeysa ayaa shalay xukuno kala duwan ku riday 21 Wiil oo dhalinyaro ah oo ku eedaysnaa Kufsi wadareed, kuwaas oo lagu kala xukumay xabsi gaadhaya 5 ilaa 10 sano. Sidoo kale Falkaas lagu eedeeyey dhalinyaradaas ayaa dhacay 25-kii bishii la soo dhaafay waxaana la sheegay in labadaasi Hablood wakhti ay ka soo baxeen Salaada taraawiixda lagula kacay fal Kufsi ah oo fool xun. Mid ka mida ayaa dhalinyaradaasi lagu xukumay 5 Sano oo xadhiga ayaa la sheegay inuu Gaadhiga u waday kooxda dambiga gaysatay, balse aanu isagu ka qayb galin Falkaas Kufsi-wadareedka ah, halka 20-ka kalena lagu xukumay 10 sano oo xadhiga. Maxakamada ayaa Kiiskaasi go’aan ka gaadhay ka dib markii uu maxakamada ka socday maxkamadayntani mudo ku siman 10 cisho, waxaana soo dhaweeyay soo dedejinta kiiskaasi dadka u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamaha. Xukunkan oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdillaahi Ismaaciil (Dhago-dhago), ayaa uu sheegay inay kiiskan u hayaan caddaymo badan iyo markhaatiyaal, islamarkaana ay muddo ay baadhitaanno waddeen ka dib soo Af-jareen.

Dhinaca kale Falalka Noocaas oo kale ah ee Dhalinyarada kooxkooxda ahi ay sameeyaan ayaa ku soo badanaya Magaalooyinka waawayn ee dalka sida uu sheegay Axmed Yuusuf Xuseen oo u dooda xuquuqda Aadamaha, isagoo xusay in hadda ay Hablo badan oo muwaadiniin ahi ay waayeen xuquuqdoodii dhaqdhaqaaqa oo aanay awood u lahayn inay ka soo baxaan Guryaha wakhtiyada Habeenkii.

Hargeysa Online.