Wasiiro Ka Qaybgalay Hawlgal Lagu Buufinayay Goobta Qashin Qubka Hadhaaga Qaliinka Xoolaha Loogu Talo Galay.
Posted by xaaji on August 06 2013 14:48:47

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka, Deegaanka iyo Wasiir ku Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ayaa shalay ka qayb galay olole lagu buufinayay goobta lagu shubo hadhaaga qaliinka Xoolaha ee Magaalada Hargaysa.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasiirrada Wasaaradaha Caafimaadka, Deegaanka iyo Wasiir ku Xigeenka Shaqada iyo Arrimaha bulshada ayaa shalay ka qayb galay olole lagu buufinayay goobta lagu shubo hadhaaga qaliinka Xoolaha ee Magaalada Hargaysa.

Ololahan oo ay Fulinaysay Shirkad ka Shaqaysa Maaraynta Qashinka ayaa Goobtaas lagaga dhawaaqay qorshe dib loogu hagaajinayo looguna dayactirayo goobtaasi. Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Marwo Shugri Xariir Ismaaciil ayaa tilmaantay baahida weyn ee loo qabo in la ilaaliyo goobaha qashin qubka si saxada caafimaadka bulshadu iyo deegaankuba u hagaagto. Wasiirka Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa sheegtay sida ay Wasaarad ahaan uga go’an tahay ilaalinta goobaha Qashin qubka ee Caasimada Hargeysa. Sidoo kale Wasiirka Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Saleeban Ciise Axmed (Xaglo Toosiye) ayaa sheegay in wasaarad ahaan ay diyaar u yihiin in la daryeelo caafimaadka bulshada si hadhaaga Qashinku aanu saamayn Caafimaad ugu yeelan bulshada. Waxaa kale oo halkaasi ka hadlay qaar ka mid ah Mudanayaasha Golaha deegaanka ee Caasimada Hargaysa oo balanqaaday in qaybta kaga aadan goobta Qashin qubka ay Saxadeeda doorka ay ku leeyihiin wanaajin doonaan. Dhinaca kale waxa loo baahan yahay in la joogteeyo hawlgalada la xidhiidha arrimaha caafimaadka waxyaabaha keenaya caafimaad darada ee saxada bulshada in laga hortago, gaar ahaana goobaha qashin qubka loogu talo galay ee caasimada gudaheeda iyo goobaha kale ee k a baxsan ee magaalada hareeraheeda lagu soo qubo qashinka in ololayaasha lagu buufinayo la joogteeyo si aan xanuuno saamayn ku yeesha bulshada uga dillaacin.