Madaxweynaha Siilaanyo ayaa saaka kumanaan qof kala qeyb galay salaada ciidul fidriga Garoonka kubadda cagta ee xaafadda xawaadle.
Posted by abdi on August 08 2013 17:51:13

Hargeysa(Hargeysa Online) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka kumanaan qof kala qeyb galay salaada ciidul fidriga Garoonka kubadda cagta ee xaafadda xawaadle ee magaaladda Hargeysa.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka kumanaan qof kala qeyb galay salaada ciidul fidriga Garoonka kubadda cagta ee xaafadda xawaadle ee magaaladda Hargeysa.

 

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo salaadii ciidul fidriga ka dib khudbad u jeediyay dadweynaha ayaa sheegay inuu dhambaal hambalyo ah u dirayo shacbiga Somaliland oo uu tilmaamay inuu ciidan ciideeda uu u rajaynayo inay ku gaadhaan nabad-gelyo iyo horumar.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu u soo jeediyay shacbiga Somaliland inay ku dedaalaan isku duubnidooda iyo wada jirkooda isla markaana ay meel uga soo wada jeedaan wixii hadimo ku noqon kara horumarka iyo qarranimadda Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland ay halgan ugu jirto sidii ay maalin uun uga mid noqon lahayd qarrammadda madaxa banaan ee adduunka, waxaanu xusay inay hayaan juhdigii ay u marayeen aqoonsiga.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu xusay In ay dadweynaha Somaliland Illahay ku Abuuray dhul Barwaaqo ah oo aad u fiican waxaanu shacabka ugu baaqay in dhulkooda ay aaminaan, waxa kale oo uu sheegay in Somaliland meel aad u fiican marayso Indhaha caalamkuna ay eegayaan Horumarkas Baaxadaleh ee ka socda.

u_107315d_2013-8-8-7-15-34f_2.jpg

u_107315d_2013-8-8-7-17-32f_5.jpg

 

Hargeysa Online