Madaxweyne waxaad ka rumaysay arrin muddo 22 sannadood ah u muuqatay Riyo iyo Male-awaal aan weligeed rumoobi doonin. Waxaad ku dhiirratay arrin ay ku dhici waayeen oo ay ka maageen 3 Madaxweyne oo talada iyo hoggaanka dalkan kaaga horreeyey.
Jam. Somaliland Mudane Axmed Mohamed Mohamud (Silaanyo), iyo dhammaanba hawl-wadeenada golaha Xukuumadda taasoo aan ugu hambalyeynayo Bixinta Derejada Qaybaha Ciidamada
Go’aan u hiiliyey inta xaqa-ku-taagan iyo Halyeyga Dal-jirka ah ee Dalka Difaacaya!! Madaxweyne waxaad ka rumaysay arrin muddo 22 sannadood ah u muuqatay Riyo iyo Male-awaal aan weligeed rumoobi doonin. Waxaad ku dhiirratay arrin ay ku dhici waayeen oo ay ka maageen 3 Madaxweyne oo talada iyo hoggaanka dalkan kaaga horreeyey. Waxaad muujisay hal-adayg iyo tayo hoggaamiyenimo oo aad si xaq ah u diiday fikirka qaldanaa ee ay dadka qaar aaminsanaayeen ee muddada 22 sano ah Ciidamada Qalabka sida iyo Difaacayaasha cadowga ka horjoogay inay helaan derejadii iyo dallaacaaddii ay xaqa u lahaayeen ee ay inta badan u samrayeen. Fikirkaa qaldan oo odhanayey: "Ha lagu saleeyo Bixinta Derejada Ciidamada beelnimo, madaama ay dhici karto in beeluhu ku kala badan yihiin qaybaha Ciidamada." Madaxweyne markii aad si cad u diiday inaad qaadato fikirkaa qaldan, waxaad u hiilisay inta xaqa-ku-taagan iyo Halyeyga Dal-jirka ah ee difaaca dalka duurka ugu jira!
Madaxweyne tallaabada geesinnimada leh ee aad qaaday, ee aad in ka badan toban kun oo ka mid ah Qaybaha Ciidamada Qalabka sida ee Nabaddu waa Nolol, Noloshuna waa Nabadda. Wada tashi, isku-tanaasul, is-qadarin, danta guud ee Ummadda oo loo tudho iyo cadowga Waxa kale oo dhaqan suuban oo ummadeena lagu tilmaansado ah in siyaasiyiinta u dhashay Nabaddu waa Nolol, Noloshuna waa Nabadda. Nabaddu waa saldhigga horumarka bulshada, ka dhaqaalaha, ka dhaqanka, ka aqoonta, iwm. Nabaddu waa Sado iyo Sareedo ALLAH ummaddiisa ku gallado, waxana inagu waajib ah inaynu RABBI uga mahad-celino. Nabaddu waxay u baahan tahay in la daryeel oo dayaca laga ilaaliyo. Ciidamadu waa Dal-jirka iyo Difaacayaasha jiritaanka Ummadnimo, iyaga la’aantoodna ma dheelli-tirna sharafta iyo karaamada ay umadi leedahay. Waa iyaga kuwa difaaca cadowga ee naftooda u hura halis iyo khatar kasta oo dalka iyo dadkaba la soo derista. Ciidamada Qalabka Sidaa waa Astaan Qaran iyo tu Ummadnimo ee maaha qabiil iyo beelo midnaba. Waxay u dhaarteen inay dalka iyo dadkaba ka difaacaan cadowga dibedda iyo ka gudahaba. Ciddii ku fikiraysa in Ciidamada qaab beelo ah lagu saleeyo, waxaan u arkaa Caqli Gurracan iyo Garasho aan Sax ahayn.
Mudane Madaxweyne, Waxaan kun jeer kugu soo hambalyeynayaa Tallaabadaa Taariikhiga ah ee aad u qaaday dhanka horumarka ummadnimo. Marka dhan walba laga eego, muran kama taagna lamana soo koobi karo horumarka dhinacyada badan leh iyo tallaabooyinka geesinimada iyo isku kalsoonida leh ee aad ku tallaabsatay muddadaa kooban ee aad xilka haysay. Mudane Madaxweyne; Sooyaalka Taariikhda Qaranka iyo Qoomiyadda Mudane Madaxweyne; dheg ha u dhigin kuwa shakiga ka qaba halgankaaga, kuwa ka soo horjeeda himiladaada, kuwa kugu eedaynaya waxaan marnaba adiga kaa suuroobin oo aanad uba dhalan(sida qabyaalad, qaraabo-kiil iyo qof-jeclaysi), kuwa ay iskaga qaldan tahay Mucaaridninmada iyo Muwaadinimadu, kuwa ay dhibayso in Xukuumaddaadu ku guulaysato ka rumaynta himilada iyo hadafka Ummadda, taasoo ah in Mudane Madaxweyne waxa hareerahaaga taagan oo aad u jecel in Adiga iyo Xukuumaddaaduba aad guulaysataan:
Hooyooyinkii aad caruurtooda ka dhaaftay lacagtii Iskuul-Fiiga, Askarigii aad Mushaharka u kordhisay, Derajada ugu toshay oo weliba waxbarasho bilaasha u helay caruurtiisii, Dhalinyaradii aad hankooda iyo himiladooda kor u qaaday ee aad ka furtay dabarkii iyo xakamihii kaga xidhnaa ka qayb-galka siyaasadda ee la’aa meel ay u maraan hoggaaminta dalka iyo masraxa siyaasadda. Agoomiha & Danyarta aad daryeeshay ee aad Xafiiska Samafalka Madaxtooyada u samaysay ee hadh iyo habeen, min bari ilaa galbeed la caawinayo. Aqlabiyadda Ummadda Jam. Somaliland ee adiga kuu codaysay, Iyo dhamaanba muwaadiniinta Somaliland ee jecel guusha iyo horumarka dalka hooyo.
.
Somaliland Ha Noolaato,
|W/Q: Eng. Hussein Adan Igeh| Hussein Deyr| |UK|
ALLAA Mahad Leh, Wa Billaahi Tawfiiq
Jam
Waxaan halkan hambalyo iyo bogaadinba uga dirayaa M/weynaha Jam. Somaliland taasoo uu M/weynahu ka dhabeeyey ballanqaadyadii ay Xukuumaddiisu la gashay Ummadda JSL , run ahaantiina waa Tallaabo Geesinimo leh oo Taariikhi ah. Waxa kale oo aan M/weynaha iyo Xukuumaddiisaba ku hambalyeynayaa horumarka baaxadda leh ee ay ku tallaabsadeen iyo kartida iyo kalsoonida ay muujiyeen muddadaa saddexda sannadood ah ee ay talada dalka hayeen. Waxaanan ALLAH (sxwt) uga baryayaa inuu dhammaantoodba ku asturo oo uu ku guuleeyo xilka iyo masuuliyadda ay ummadda u hayaan. Aaaamiin.