Pakistaani si waxashnimo ah u dilay wiil 7 bil jir Soomaali ah oo ay dhashay Saaxiibtiis.
Posted by xaaji on August 13 2013 12:20:17
Nin Pakistani ah ayaa si waxashnimo ah u dilay Todobaadkii lasoo dhaafay Wiil 7 bil jir Soomaali ah oo hooyadiis uu saaxiib la ahaa, ninkani oo weli maxkamadeyntiisa ay ka socoto gobolka Pennsylvania ee dalka Mareykanka.

Extended News

Ninkan oo lagu magacaabo Ummad Rushdi 30 sano jir ah ayaa wuxuu saaxiib uu la ahaa Zainab Ga'al oo ah hooyada dhashay wiilka yar ee uu dilay Rushdi.

Wiilka yar ee 7 bil jirka ah ayaa isna lagu magacaabi jiray Hamza Ali,waxaana soo baxaya warar kala duwan oo warbaahinta ay kasoo tebisay dhacdadan.

Warbaahinta qaar ayaa sheegaya in Ummad Rushdi sababta uu u dilay wiilka yar ay tahay qeylada wiilka oo uu u adkeysan waayay, iyadoo dhowr jeer oo horeba la tilmaamay in uu jir dili jiray.