Murrashaxa Madaxweynaha Ee Xisbiga UCID Oo Marti-Qaad Ka Helay Dawlada Sweden, Kana Hadlay Nuxurka Socdaalkiisa.
Posted by abdi on August 14 2013 14:08:48

Hargeysa(Hargeysa Online)Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inuu dhawaan safar shaqo ku tago dalka Sweden oo uu tilmaamay inuu marti-qaad rasmi ah ka helay.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inuu dhawaan safar shaqo ku tago dalka Sweden oo uu tilmaamay inuu marti-qaad rasmi ah ka helay. Jamaal Cali Xuseen waxa uu xusay inuu marti-qaadkaas uu ka helay Xisbigga Socialdemokraterna (Social Democrat), kaas oo tilmaamay inay marti-qaadkaas ay ka soo shaqaysay oo ay gacanta ugu wayn ka gaysatey Marwo Ifraax Cali Kirix oo ah Xildhibaan ka tirsan xisbigaasi dalka Sweden oo laga soo doortay golaha deegaanka ee magaaladda Jönköpingay. Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaas ku shaaciyey Bogiisa Facebook-ga, kaas oo qoraalkiisa uu ku baahiyey ku sheegay inuu la kulmi doono jaalliyada reer Somaliland ee ku nool Waddanka Sweden, laamaha Xisbiga UCID Sweden iyo madaxda iyo masuuliyiinta dalkaasi. Qoraalkiisaas oo dhamaystiranina waxa uu isaga oo dhamaystiran u dhignaa sidan:- “Waxaan jecelahay inaan idinla wadaago in aan u boqooli doono waddanka Sweden bisha September 26th Inshallah, oo muddo 9 cisho ah aan ku maqnaan doono ka dibna waddanka dib ugu soo noqon doono, halkaasi oo aan casuumad official ah ka helay Xisbigga socialdemokraterna (Social Democrat) ee dalka Sweden oo ay casuumaddaasi milgaheeda ay ka shaqaysay Ifrah Ali Kirih oo ah Xildhibaan ka tirsan xisbigaasi dalka SWEDEN oo laga soo doortay golaha deegaanka ee magaaladda Jönköpingay. Waxaan kale oo kulano la qaadan doonaa jaaliyaddaha reer Somaliland ee magaalooyinka Sweden qaar ka mid ah. Waxa kale oo aan la kulmi doonaa qolooyinka deeqaha bixiya, safarkayguna waa in Somaliland la horumariyo oo caalamka laga dhaadhiciyo iyo dalka Sweden, loona cadeeyo baahiyaha ka jira halkani si ay kelmadaasi iyo kuwii ka horeeyayba ugu dhiirigeliyaan Somaliland iyo xidhiidhkeena dalka Sweden. Kolay xisbigga UCID ee dalka Sweden iyagana kulan ayaan la qaadan doonaa Inshallah. Markuu safarku soo dhawaadana wixii faah-faahin dheeraad ah waan la wadaagi doonaa Inshallah. Wabilaahi Tawfiiq.