Wasiirka Khaarajiga Oo Ka Hadlay Sababta Ay Xukuumadda S/Land U Deedafeysay Ka Qayb-Galka Shirka Dhaqaalaha Loogu Ururinayo Somalia.
Posted by abdi on August 14 2013 14:23:27

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa mar kale ku celiyey in aanay Xukuumadda Somaliland ka qaybgali doonin shirka dhaqaalaha loogu ururinayo dawladda taagta daran ee Somaliland ee ka dhaci doona Magaalada Brussels.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa mar kale ku celiyey in aanay Xukuumadda Somaliland ka qaybgali doonin shirka dhaqaalaha loogu ururinayo dawladda taagta daran ee Somaliland ee ka dhaci doona Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium -ka. Wasiirka Arrimaha Debadda Mr Yoonis ayaa ka hadlay sababta ay xukuumadda Somaliland u deedefaysay ka qaybgalka shirka dhaqaalaha loogu ururinayo Somalia ee la filayo inuu dhawaan ka qabsoomo Magaalada Brussels, kaas oo sheegay inuu Qaranimadda dalka dhaawacayo maadaama oo dawladda Muqdisho ay hogaaminayso shirkaas, waxaanu Wasiirku sidaas ku sheegay mar uu shalay u waramayey Idaacadda BBC-da Laanteeda afka Soomaaliga ku hadasha. Sidoo kale Wasiirka Khaarajiga Maxamed Biixi Yoonis oo arrmahaas ka hadlayaana, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaanu ku diidnay anaga iyo dawlada Muqdisho wadahadalo ayaa noo socda, waxaanu nahay laba dal oo walaalo ah oo jaar ah oo xidhiidh badan leh, wadahadalo wanaagsan ayaa dawlada turkigu noo wadaa, marka waxaanu u aragnaa in shirkaasi yahay mid loogu tallo galay dawlada federaalka Somalia ee Muqdisho, hasayeeshe waxaanu u sheeganay in aanu laba wadan oo waalo ah nahay oo kala gadisan oo jaar ah,  isku muhiimad aanan hayn wadankan muddo 20 sanno ah ayaa la dhisayey iyaguna waa meel cusub oo halka horumarka ee ay marayaan dee farqiweyn ayaa noo dhaxeeya, marka Qoladii shirka waday waxaanu u sheegnay in iyagan gaar looga dhigo shirka anagana gaar lanooga dhigo, iyagana waxoogu gooni u noqdo, anagana waxayagu gooni uu noo noqdo”. Maxamed Biixi Yoonis isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya Biyaha Bada oo dhawaan Dawladda Somalia ay ku wareejisay Shirkada Ajanbi ah waxa uu  yidhi “Haddii aanu nahay Xukumada Somaliland Badahayaga  Masuuliyadoodu waa mid anaga na saaran, oo waa mi d aanu u madax-banaanahay, oo aanan ogolaanayn in cid kale ka taliso, hasayeeshe wixii aanu wada qabsan karno dawladaha aanu jaarka nahay, ama ha noqoto jabuuti ama Muqdisho, ee aanu iska kaashan karo arrimaha budhacadbadeed ama suntan badaha lagu daadiyo, in aanu xidhiidh aanu ka wada yeelano  waa muhiim, lakiin cidii dawlada somaliya rusqad ka sida oo badahayaga soo gala ma ogolaanayno, waayo waxaanu nahay laba wadan oo jaar ah.