Warar sheegaya in la iibiyey meydka Ibraahim Afghan lagana safriyey degmada Baraawe ka dib markii la dilay?
Posted by abdi on August 14 2013 14:43:20

Waxaa soo baxaya Warar Sheegaya in Magaalada Baraawe ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab laga dhoofiyay Meydka Kuxigeenkii Amiirka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaan (Ibraahin Afgan).


Extended News

Waxaa soo baxaya Warar Sheegaya in Magaalada Baraawe ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab laga dhoofiyay Meydka Kuxigeenkii Amiirka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Ibraahim Xaaji Jaamac Miicaad oo loo yaqaan (Ibraahin Afgan).

Ibraahin Afgan iyo Saraakiil sar sare oo katirsanaa Al-Shabaab ayaa ku baxay gacanta Amiirka guud ee Al-Shabaab Axmed Godane kadib markii uu dhaxdooda soo galay qilaaf ugu dambeyntii sababay in la qaarijiyo Saraakiil sar sare oo katirsan Al-Shabaab kuwa kalana ay baxsadeen.

Warkan ku aadan in Meydka Ibraaahim Afgan la dhoofiyay Waxaa Faafiyay Qaar kamid ah Websetyada sida aadka ah u taageera Al-Shabaab waxa ayna soo xiganayeen Ehelada Ibraahim Afgan kuwaa oo ku waramay in meydka Marxuunkaasi markab laga saaray Badda loona gacan galiyay qolyo aan wali la garan.

Websitka Rasminews.com oo ka mid ah Websetyada taageersan A-Shabaab gaar ahaan dhinaca hadda kasoo horjeeda Amiirka Al-Shabaab ayaa baahiyay in Ibrahim Afgan iyo Saraakiil sare oo katirsanaa Shabaab ay shirqool ku dileen kadibna ay meydadkooda gateen kuna wareejiyeen Maraakiib dagaal.

Meydka Ibraahim Afgan ayaa la tilmaamayaa in Magaalada Baraawe gaar ahaan goob lagu keydiyay waxaa ka qaaday Xeebta Baraawe Dooni yar taa oo u geesay markab Gudaha Badda Dhax fadhiyay kuna wareejisay sida ay baahiyeen Websetyada taageera Al-Shabaab.

Websetyada Warkan baahiyay waxa ay tibaaxayaan in Kooxda uu Hogaamiyo Amiirka Al-Shabaab in ay gateen Meydka Ibrahim Afgan maadama ay lacag badan ku qaateen in la qaarijiyo Meydkiisana cadeyn ahaan loogu Wareejiyay Quwado Shisheeye oo Badda taagnaa si lacag looga helo sida ay ku warameen Warbaahinta Shabaab taageerta ee Warkaan qoray.

Ibraahim Xaaji Jaamac oo ahaa Kuxigeenkii Amiirka Al-Shabaab waxa uu ka mid ahaa xubno 7 qofood gaarayey oo mareykanka malaayiin Dollar dul dhigay bishii June sanadkii 2012 waxaana la saadaalinayaa in si fudud loo iibsaday meydka Ibraahim Afgaan sida la maleynayana ay Mareykanka gacanta ku dhigeen.