Shirkii Beelaha Sacad Muuse Oo Maanta Si Rasmi Ah Uga Furmaya Degmadda Agabar Iyo Ugaaska Beeshaas Oo Ka Hadlay.
Posted by abdi on August 18 2013 18:47:13

Shirkii Beelaha Sacad Muuse ee (Hoodaalle) ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya degmadda Agabar ee gobolka Gabiley, kaas oo ay ka qayb galayaan madax-dhaqameed badan oo ka kala socday ardaayadda beelaha Sacad Muuse.


Extended News

Shirkii Beelaha Sacad Muuse ee (Hoodaalle) ayaa maanta si rasmi ah uga furmaya degmadda Agabar ee gobolka Gabiley, kaas oo ay ka qayb galayaan madax-dhaqameed badan oo ka kala socday ardaayadda beelaha Sacad Muuse, duqay, Siyaasiyiin, Culimo Awdiin, Ganacsato, ergooyin kala duwan oo lagu marti qaaday iyo guud ahaan waxgaradka beeshaas. Shirkaas ayaa waxa furaya maanta Ugaaska beelaha Sacad Muuse Ugaas Ibraahim Axmed Kaahin (Jilbo-dhige) oo hadal uu halkaasi ka jeediyay si rasmi ah ugu dhawaaqay furitaanka shirkan, waxaanu u mahad celiyay madax-dhaqameedkii iyo waxgaradkii kaalinta ka qaatay hirgelinta shirka Hoodaalle ee Beelaha Sacad Muuse. Ugaas Ibraahim Jilbo-dhige waxa uu sheegay in shirkan oo socon doona muddo toban maalmood ah lagaga hadli doono qodobo badan oo la xidhiidha danta Beelahaas iyo midnimadoodaba. Ugaasku waxa uu ALLE ka baryay inuu shirkan uga dhigo mid midho dhalla oo ay ka soo baxdo natiijo dan u ah beelaha shirkan qabsaday iyo guud ahaan Somaliland-ba. Shirkan oo muddo ay socotay qaban qaabadiisu waxa weli ku qul-qulaya ergooyinka shirka ka qayb galaya iyo marti-sharaf kala duwan oo lagu marti qaaday inay goob joog ka noqdaan.