Odayaasha Iyo Cuqaasha Beelaha Deegaanka Sabawanaag Oo Ku Xidhan CID-Da Oo Cabasho Ka Muujiyey Mudada Xadhigooda.
Posted by abdi on August 18 2013 18:55:25

Hargeysa(Hargeysa Online)Odayaal iyo cushaaqa beelaha deegaanka Sabawanaag oo mudo lix Habeen ah ku xidhan xarunta CID-da ayaa cabasho ka miijiyey mudada ay sharci darada ah ee ay xidhan yihiin iyo habka loola dhaqmay.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Odayaal iyo cushaaqa beelaha deegaanka Sabawanaag oo mudo lix Habeen ah ku xidhan xarunta CID-da ayaa cabasho ka miijiyey mudada ay sharci darada ah ee ay xidhan yihiin iyo habka loola dhaqmay, kuwaas oo sheegay in culays ciidan iyo cunto xumo ay ku haysato halkaasi, isla markaana loo diiday in la soo booqdo. Odayaashan oo uu ka mid yahay Xuseen Geeddi ayaa sheegay inay ku xidhan yihiin xarunta CID-da maalin lixaadi, mar uu xalay khadka telefoonka kula soo xidhiidheen Hargeysa Online“Dee waxa weeyaan odayaal meel yar oo laba beelood ah oo deegaan isku qabtay u tagay ayaanu ahayn, wasaaradan daakhiliga ayaa na dirtay wasiir ku xigeenkan Amniga ee wasaarada daakhiliga, waanu soo eegnoo waanu soo kala dhamaynay, waxna way dhinaayeen, meeshu waa degmada Sabawanaag ayay ka mid ahayd, markaa deegaankaa tuulada Gollis ayay ahayd iyo bali la yidhaahdo baliga Maxamed Daa’uud. Markaa waanu ka soo noqonay khilaafkaa aniga iyo jananka bilayska iyo suldaankiyo iyo cuqaashuba waanu wada tagnay wax khilaaf ahi kama iman wax yar oo cabashooyin ahi way iska jireen, halkan markii aanu nimid oo aanu ku joognay dhawr iyo toban ayaanu hadana halkan wasiirka amniga isugu nimid dabadeedna isaga ayaa noo yeedhay, markii dambena wuu na waraystay oo xaaladii meesha ayaanu uga waranay, dibada iiga yara baxa ayuu yidhi waanu uga baxnay mar dabe ayuunbuu ciidan RRU ah uu noo keenay, markii isaga laftiisa aanu waydiinayna wuxuu yidhi dibada ayaad ku wada hadasheen baala yidhi oo aad isku khilaafteen. Markaa calaa kuli lix habeen halkan ayaanu iska joognay oo cidhiidhi ayaa nagu yara dhacay, gaar ahaan dhinaca raashinka iyo dadkii na soo booqanayey iyo ciidhiidhina wuu nagu yara dhacay dhinaca ciidan nala saaray. Imika sideed baanu halkan ku wada fadhinaa, oo odaybaa aad nooga bukooday oo dhakhtar nalaga geeyey”.

Hargeysa Online.