Saladiin Iyo Wasiiro Oo Ku Socday Xalinta Shaqaaqadii Ka Dhacday Oog Oo Uu Daad Ku Qaaday Dooxa Dacar Budhuq.
Posted by xaaji on August 22 2013 12:29:07

Waftigan oo u socday sidii ay u dhexdhexaadin lahaayeen laba beelood oo shalay dagaal ku dhex maray deegaanka Oog oo ka tirsan gobalka Saraar,Dagaalkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac aad u tiro badan.


Extended News

Waftigan oo u socday sidii ay u dhexdhexaadin lahaayeen laba beelood oo shalay dagaal ku dhex maray deegaanka Oog oo ka tirsan gobalka Saraar,Dagaalkaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac aad u tiro badan,ayaa waxa warbaahinta loo xaqiijiyay in gaadhi ay wateen masuuliyiintaasi uu daad ku qaaday dooxa wayn ee dacar budhuq.

Masuuliyiinta uu Daadku Qaaday ayaa Waxa Ka Mid ahaa wasiirka arimaha gudaha Mudane Cali Maxamed Waran Cade,Suldaan Carab, Suldan Yusuf Cali Ducaale, Suldaan Barre Warsame Shire Iyo Cali Biikalo oo ah Gudoomiyaha Hayada Tayaynta.


Guramad Ka dib ayaa waxa Daadka laga Badbaadiyey afar masuul oo kala ah Cali Maxamed Waran Cade,Suldaan Carab, Suldan Yusuf Cali Ducaale Iyo Cali Biikalo Waxaase Wali raq iyo ruux la laayahay Suldaan Barre Warsame Shire. 

Hargeysa Online.