Ergadii Golaha Guurtida Oo Maanta Degmada Xariirad Isku Soo Hor Fadhiisin Doona.
Posted by abdi on August 25 2013 21:36:08

Hargeysa(Hargeysa Online)Guddigii golaha Guurtida Somaliland u xilsaaray xalinta dilalkii ka dhacay degmada Xariirad ee gobolka Selel iyo beelaha khilaafku ka dhex taagan yahay ee ka soo kala jeeda gobolada Awdal iyo Selel.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Guddigii golaha Guurtida Somaliland u xilsaaray xalinta dilalkii ka dhacay degmada Xariirad ee gobolka Selel iyo beelaha khilaafku ka dhex taagan yahay ee ka soo kala jeeda gobolada Awdal iyo Selel, ayaa la filayaa in maanta si fool ka fool ah laysku soo horfadhiisiyo madaxdhaqameedyada beelahaasi. Sida ay Hargeysa Online u sheegeen xubno ka tirsan guddiga golaha Guurtida ee ku sugan deegaanka Xariirad ayaa sheegay inay maanta guda galayaan u gar-qaadista beelaha isku haya deegaankaasi, kuwaas oo madaxdhaqameedyada beelaha Samaroon iyo Ciise la sheegay in ergada golaha Guurtidu ay isku dhagaysan doonaan madaxdhaqameedyada beelaha deegaankaasi Xariirad wada dega. Waxaana ila wareedyadu sheegeen in amaanka deegaankaasi ay ciidamada Bileyska ee ku sugani xoojinayeen nabadgalyada degmada Xariirad iyo guud ahaanba deegaanadaasi. Ergada golaha Guurtidu u diray xalinta khilaafaadka labada beelood ka dhex oognaa ayaa si rasmiya u guda gali doona inay soo afjaraan dilalkii iyo muranada in muddo ahba ka aloosnaa deegaankaasi labada beelood ee walaalaha ah ka taagnaa.

Hargeysa Online.