Hay’adda Care Oo Daahfurtay Mashruuc Lagu Kobcinayo Waxbarashada Hablaha S/land Oo Ku Kici Doona $7 Milyan Oo Dollar.
Posted by abdi on August 25 2013 21:46:18

Hargeysa(Hargeysa Online)Hay’adda Care International ayaa daahfurtay Mashruuc ay ka hirgalinayso Somaliland oo lagu kobcinayo waxbarashada hablaha Somaliland, kaas oo ay ka faa’iidaysan doonaan ilaa 8000 oo hablood.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Hay’adda Care International ayaa daahfurtay Mashruuc ay ka hirgalinayso Somaliland oo lagu kobcinayo waxbarashada hablaha Somaliland, kaas oo ay ka faa’iidaysan doonaan ilaa 8000 oo hablood, gaar ahaana dugsiyada hoose iyo sare ee ku yaala meelaha baadiyaha ah ee ay ka jirto baahiyaha badan ee waxbarasho ee Bariga Somaliland. Mashruucan kobcinta waxbarashada Hablaha Somaliland ayaa la sheegay inuu socon doono mudo saddex sanadood ah, kaas oo ay ku kici doonto lacag gaadhaysa ilaa $7 Milyan oo dollar. Furitaanka Barnaamijkan oo lagu qabtay shalay Hotel Maansoor ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qaybgalay Masuuliyiinta hay’ada Care, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Qorshaynta iyo Masuuliyiin ka socday Wasaaradaha Waxbarashada iyo Diinta iyo Awqaafta iyo xubno kale. Ugu horayna waxa Madashaasi hadal ka jeediyey Madaxa Hay’ada Care ee Somaliland iyo Somalia Cabdilaahi Yuusuf oo ka hadlaya waxyaabaha ay hay’ada Care ka qabato dalka, faahfaahina ka bixiyey Mashruucan lacagta badan ku baxayso ee lagu kobcinayo waxbarashada hablaha, waxaanu yidhi “Care waa hay’add caalami ah oo Madaxbanaan, guud ahaana caalamka oo dhan ka shaqaysa, gaar ahaana meelaha ay baahiyuhu ka jiraan ee dadka saboolka ahi ku nool yihiin, khaasatan iyadoo la dagaalanka arrimaha fakhrinimada keena iyo masiibooyinka kale marka ay dhacaan. Mashaariicda ay Care ka wado Somaliland wakhtigan, wakhtiyadii hore Care ilaa iyo muddo dheer ayay ka shaqaynaysay Somaliland mashaariicda gurmadka kuwa dib u dhiska iyo kuwa kale ee horumarintaba, laakiin wakhtigan aynu ku jirno ilaa tobanka sano ee soo socda Istaraatajisa ay leedahay ee Somaliland, waxa uu u kala baxaa hadii aan idiin guud maro saddex Barnaamij oo waaweyn midi waxa uu ku saabsan yahay Horumarinta reer Miyiga khaasatan dumarka, mashruucan aynu maanta furaynaana Barnaamijkaasi ayuu ka qayb yahay, waxa kale oo ku jira mashaariicyo kale oo ay ka mid yihiin Governance-ka iyo Peace Building-ka, waxa kale oo ka mid ah xaga dhaqaalaha, xaga biyaha iwm. Sidoo kale Barnaamijka labaad ee Care ay ka wado horumarinta Somaliland oo loogu talo galay dadka Saboolka ah ee ku dhaqan Somaliland, markaa mashruucaasina waxa uu diirada saarayaa dhalinyarta khaasatan kuwa baahiyaha badan qaba iyada oo loo samaynayo in xirfado la barayo, dhaqaalahoodana kor loo qaado meelaha qaarkood oo loo samaynayo meherado yaryar. Barnaamijka saddexaad ee Care waa Program ku saabsan ka jawaabista arrimaha gurmadka ah (Emergencies Crisis) marka ay dhacaan khaasatan abaaraha oo kale ama se daadadka oo kale. Markaan intaa ka gudbo hadaan dib ugu soo noqdo Mashruucan aynu maanta furayno oo ku saabsan Kobcinta waxbarashada hablaha Somaliland waxa maalgalinaysa hay’adda u qaabilsan kaalmada dibada wadanka Ingiriiska ama dawlada Ingiriisa ayaa maalgalinaysa. Mashruucani waxa uu ka soo baxay markii ay baahisay Mashruuc ay ugu talo gashay 15 dal oo ah wadamada dunida wakhtigaasi ay ka jiraan baahiyaha khaaska ahi sida waxbarashada hablaha kadibna anaga oo la kaashayna wasaarada waxbarashada iyo qaybaha aanu wada shaqaynta leenahay ee hawsha nala wada ayaanu mashruucan codsanay, aakhirkiina mashruucan waa la helay. Mashruucan lacagtiisu waxa ay noqonaysa ailaa $7 Milyan oo dollar saddexda sano ee soo socda, wuxuunu dhamaanayaa 2016-ka. Waxa mashruuca laga gulin doonaa gobolada bariga Somaliland, waxaana uu mashruucaasi ka shaqayn doonaa 85 Iskuul oo Primary ah,  12 Iskuul oo dugsi sare ah iyo 2 Iskuul oo Boodhin ah. Waxa kale oo uu bixin doonaa Tababaro la siin doono macalimiinta, iyo iyadoo aanu ka caawin doono wasaarada waxbarashada xaga tayada waxbarashada. Intaa ka sokow mashruucani waxa uu kaga duwan yahay mashaariicdii hore ee waxabarashada ee aanu wadi jirnay, waxa weeyi in la sameeyo waxa Social Changes-ka la yidhaa, maadaama sida aynu ognahay dhulka miyiga ah ay inta badan waxbarashadu ay aad u hoosayso hadana habluhu aad ayay uga hooseeyaan Inamada, waxyaabo badan oo dhaqanka la xidhiidha ayaa ka qayb ah waxbarashada hablaha aan loo dirin dugsiyada, sidaa darteed mashruucani waxa uu la shaqayn doonaa Culimaa’udiinka, hogaamiye dhaqameedada iyo dadka kale ee raadka ku leh bulshada si loo fahmo baahida waxbarashadu inaanay xuduud lahayn oo qof waliba uu u baahan yahay, mana aha inta badan in muhiimadu ay tahay dugsi sare ama jaamacad la gaadhsiiyo, marmarka qaar waxa aynu ka hadlaynaa habka aasaasiga ah ee qofku inuu wax qoro waxna akhriyo”. Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta sare Maxamed Axmed Xuseen ayaa isaguna sheegay in aanay ahayn markii u horaysay ee hay’ada Care barnaamij noocan ah oo ku saabsan waxbarashada ay Somaliland usoo gudbiso, waxaanu intaa ku daray inay hada jirto laba mashruuc oo kale oo hay’adu ay hada la wado Wasaarada Waxbarashada. Mr Maxamed waxa kale oo uu sheegay in tacluuntu ay wada gaadhay Somaliland, balse loo baahan yahay in la tayeeyo oo kor loo qaado iyadoo mashruucan kobcinta waxbarashada gabdhuhuna uu ka mid yahay Mashaariicda aanu doonayno inuu wax ka tari doono tayanta waxbarashada, isla markaana ay si weyn usoo dhaweynayaan Hay’adda Care International oo ay la shaqayn doonaan. Sidoo kale waxa iyaguna halkaa hadal ka jeediyey Wasiirada Wasaarada ha Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Cali Shire, kuwaas oo si qoto dheer uga hadlay Ahmiyada ay leedahay in la kobciyo oo kor loo qaado waxbarashada Hablaha Somaliland.

Hargeysa Online.