Ethiopia Oo Shalay Hakisay Socdaal Madaxweynaha Puntland Ku Tagi Lahaa Dalkeeda.
Posted by xaaji on August 29 2013 14:59:14

Dawlada Ethiopia ayaa la sheegay inay hakisay socdaal uu shalay ku tagi lahaa Magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo hadda ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


Extended News

Dawlada Ethiopia ayaa la sheegay inay hakisay socdaal uu shalay ku tagi lahaa Magaalada Addis Ababa Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo hadda ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Joojinta Socdaalka Faroole ee Addis Ababa ayaa la sheegay inuu salka ku hayo codsi Dawlada Somalia kaga codsatay in aanu iman Faroole inta shirku u socdo Maamulka Jubaland iyo Dawlada Somalia, kaas oo loo sheegay markii uu tagay garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyata oo uu ka raaci lahaa Ethiopian Airlines inuu dib u dhac ku yimid socdaalkiisi, isla markaana dib loo dhigay. Dawlada Somalia ayaa la sheegay inay ka cabsi qabtay in hadii uu Addis Ababa  uu yimado Madaxwaynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole inuu burbur ku yimaado shirka halkaasi uga socday iyaga iyo Maamulka uu hogaamiyo Axmed Madoobe ee Jubaland. Madawaynaha Puntland ayaa isagu dhawaan sheegay inuu cilaaqadka u jarayay dawlada Somalia. Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa heshiis dhowr qodob ka kooban ku kala saxeexday magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya, halkaas oo toddobaadyadii lasoo dhaafay ay ku lahaayeen kulammo. Heshiiskan ayaa wuxuu dhigayaa in ciidamada maamulka Jubbaland ee ku sugan Kismaayo la qarameeyo iyo in maamulkani uu noqdo mid Kumeel Gaadh ah jira muddo laba sano ah, kaddibna la sameeyo maamul rasmi ah oo gobolladaas ay yeeshaan.

Hargeysa Online.