Golaha Wakiiladda oo Faah-faahin ka Bixiyay Fadhiyadoodii ay Albaabada u Xidheen.
Posted by abdi on August 31 2013 22:40:21

Hargeysa (Hargeysa Online)Aqalka baarlaamaanka ee sharci dajinta qaranka Somaliland oo yeeshay fadhi albaabadu u xidhanyihiin sedexdii maalmood ee todobaadkii la soo dhaafay.


Extended News

Hargeysa (Hargeysa Online)Aqalka baarlaamaanka ee sharci dajinta qaranka Somaliland oo yeeshay fadhi albaabadu u xidhanyihiin sedexdii maalmood ee todobaadkii la soo dhaafay , waxay soo saareen warsaxaafadeed ku saabsan qaabka uu u sha qaynayo golaha waiilada .

Golaha wakiilada waxa kale oo ay warsaxaafadeedka ku soo saareen daba-galka xukumada ,iyo ansaxinta xeerarka horyaala Golaha, shaqo la’aanta baahsan ee ka jirta wadanka iyo tahriibka ku sii badanaya da’yarta reer Somaliland.

Waxaanay sidoo kale soo jeediyeen Goluhu in ay xukumada iyo shirkadaha waawayn ee dalku ay sameeyaan shaqa abuur si loo dhimo aafada tahriibta ee madhisay dhalinyaradii soo koraysay. Waxaana uu warsaxaafadedka Gole weynuhu udhignaa sidan:-



Golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland oo ah golaha sharci dajinta 1aad, ahna golihii ugu horeyay ee shacabku soo doortay waxa uu yeeshay sdex fadhi oo al baabadu u xidhanyahay maalmihii Axada, Isniinta iyo maalintii salaasada eek u taariikhsanaa 25/26 iyo 27/2013.

Waxaanay soo saareen qodobadan .

1. Xaalada guud ee amni iyo nabad galyo ee jamhuuriyada Somaliland .

· Waxay u jeediyeen baaq nabad galyo beelaha walaalha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay dagmada Oog,waxay tacsi udireen dadkii ku geeriyooday ,ku wii ku dhaacwacmayna waxay ilaahay uga baryeen inuu caafimaad dagdaga siiyo .

· Waxa kale oo ay shacabka Somaliland ugu baaqeen ina ilaaliyaan nabadgalyada ,wada noolaashaha iyo wada jirka geesna uga soo wada jeestaan cadawga Somaliland.

2. Arimaha dhalinyarada , shaqala,aan iyo tahriibta



· Waxay goluhu ugu baaqeen dhlinyarada Somaliland inay aaminaan dalkooda hooyo

· Waxa goluhu ugu baqay xukumada ,shirkadaha iyo ganacsatada waawayn inay sameyaan mashaariic shaqo loogu aburayo dhalinyarada

· Waxa golihu soo jeediyay xukumada iyo shacbigaba si adag loola dagaalamo shabakadaha dambiilayaasha ah eek u hawlan tahriibinta dhalinyarada

· Waxay goluhu isla qaateen inay qayb muhuuma ah ka noqdaan wacyigalinta dhalinyarada ee tahriibaysa



3. Maadaama sidaan kawar qabno khasaare naf iyo maalba lihi kadhasho dooxyada xili roobaad kasta gar ahaan inta u dhxaysa Hargaysa iyo Barbara waxa goluhu ugu baaqayaa qaadhaan xixiyayaasha iyo xukumada in loo qorsheeyo dhisme Biriijo(Bridges).



4. waxa goluhu xukumada usoo jeedinayaa iyada oo fulinaysa ku dhaqanka dastuurka ay golaha wakiilad u soo gudbiso heshiisyada ay gasho



5. Isaga oo fulinaya waajibaad ka dastuuriga ah waxa goluhu soo jeediyay in la xoojiyo dabagalka xukumada.



6. Maciishada iyo sixir bararka .

· Iyada oo heerka shaqola,aanta shacbiga Somaliland aad u sarayso ,sanadihii ugu dambeeyay maciishadu kor ukacaasay sixir barar jiigta ahina jiray ,waxay goluhu baaq u jeediyeen xukumada somaliland inay qaado talaabooyin lagu xakamaynayo sixir bararka iyo ascaarta ama qiimaha badeecadaha .

· Sidoo kale waxay ganactasada Jamuuriyada Somaliland u soo jeediyeen iny unaxariistaan shacabkaooda ee danyarta ah ee maciishadu ku sii adkaanayso.

7. waxa kale oo mudanayaashu dood adag ka yeesheen wanaajinta iyo tayaynta maamulka

Golaha.

· Xoojinta xil gudashada mudanayaasha iyo ilaalinta saacada shaqada .

· Dardar galinta sha qaalaha gudi hoosaadyada golaha .

· Dhamaystirka shuruucda qabyada ah ee golaha yaala.



8. Mudanayaasha guluhu waxay usoo jeedinayaan ciidamada amaanka iyo haa’yadaha dawlada inay dhawraan dhawrsanaanta maamuuska dastuurku siiyay mudanayaasha baarlamaan jamhuuriyada Somaliland.