11 qof oo lagu eedeeyay inay yihiin burcad-badeed oo u dhashay Soomaaliya ayaa xukunkooda oo ahaa 20 sano loogu badalay 5 sano, kadib markii qaaddiga maxkamada sare ee magaalada Mombasa xukunkaas hore uu ku tilmaamay inuu ahaa mid culus.

Gar-sooraha maxkamada Martin Muya ayaa sheegay in raggan dambiga lagu helay uu yahay weerar ay ku qaadeen markab marayay badda Hindiya sannadkii 2009-ka, waxayna xiranyihiin muddo saddex sano ah taasoo ka dhigaysa xukunkii hore ee labaatanka sano ahaa mid daran.
Ragga xukunka lagu riday ayaa maxkamadu ay ku sheegtay magacyadooda: Axmed Cabdiqaadir Xirsi, Cbdiraxiim Salaad Rooble, Cabdullaahi Yuusuf, Maxamed Cabdullaahi, Maxamuud Jaamac, Cabdi Daahir Axmed, Axmed Macallim Cumar, Axmed Xassan Cadow, Axmed Maxamed Cisman, Abshir Axmed Xassan iyo Cumar Ibraahim Jimcaale.
Raggan ayaa waxaa dawladda Kenya u soo gacan galiyay maraakiibta dagaalka ee Yurub, kuwaasoo ka hawlgala xeebaha Soomaaliya kuna andacoonaya inay ka ilaaliyaan burcad-badeedda, walow dhawaantan warbixintii Qaramada Midoobay lagu sheegay in halkaas ay ka wadaan kalluumaysi sharci darro ah ayna gacan saar la leeyihiin burcad-badeeda Soomaalida ah.
Hargeysa Online.