Baarlamaanka Oo Xukuumada Ku Amray In Si Dhakhso Ah Loogu Soo Gudbiyo Heshiisyada Caalamiga Ah.
Posted by abdi on September 01 2013 22:12:54

Hargeysa(Hargeysa Online)Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo saaray qaraar miisaan culus leh oo xukuumada ay kula xisaabtamayaan, isla markaana ku daba-galayaan hawlaha iyo masuuliyada ay u xilsaaran tahay.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Golaha Wakiilada Somaliland ayaa soo saaray qaraar miisaan culus leh oo xukuumada ay kula xisaabtamayaan, isla markaana ku daba-galayaan hawlaha iyo masuuliyada ay u xilsaaran tahay. Waxa kale oo golaha wakiiladu ugu baaqeen in si dhakhso ah xukuumadu u keento golaha heshiisyada caalamiga ah ee ay gashay. Go’aamadan golaha wakiiladu soo saaray oo ka soo baxay fadhiyadii xidhnaa ee goluhu yeeshay todobaadkii hore oo gudoomiyaha golaha Wakiiladu Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) uu ka akhriyay fadhiga shalay ayaa noqonaya baaqii ugu cuslaa ee golahaasi soo jeediyo muddadii xukuumada Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ay talada dalka hogaaminaysay, kaas oo sidoo kale war murtiyeedka golaha wakiilada ka soo baxay ay ku soo dareen qodobo nuxur ahaan ka hadlaya shaqaaqooyinka nabadgalyo daro ee ka dhacay deegaanada Ceel-afweyne ee gobolka Sanaag, Aafada Tahriibta iyo shaqo la’aanta baahsan ee Somaliland ka taagan, dhamaystirka shuruucda qabyada ah ee golaha hortaala, kuwaas oo go’aamadani ay ka soo baxeen saddexdii fadhi ee albaabadu u xidhnaayeen ee doodaha adagi ka dhasheen doorkoodii wax qabad  iyo habacsanaantii xilgudasho ee golahaasi ku habsatay sanadihii u dambeeyay, taas oo saamayn ku yeelatay kooramyada fadhiyada iyo xilgudashada mudanayaasha. Warmurtiyeedka iyo go’aanada golahaasi ka soo baxayna waxa uu u qornaa sidan:-

Golaha wakiilada Jamhuuriyada Somaliland oo ah golaha sharci dajinta 1aad, ahna golihii ugu horeyay ee shacabku soo doortay waxa uu yeeshay sdex fadhi oo al baabadu u xidhanyahay maalmihii Axada, Isniinta iyo maalintii salaasada eek u taariikhsanaa  25/26 iyo 27/2013.

Waxaanay soo saareen qodobadan.

1. Xaalada guud ee amni iyo nabad galyo ee jamhuuriyada Somaliland .

•   Waxay u jeediyeen baaq nabad galyo beelaha walaalha ah ee shaqaaqadu ku dhex martay dagmada  Oog, waxay tacsi udireen dadkii ku geeriyooday ,ku wii ku dhaacwacmayna waxay ilaahay uga baryeen inuu caafimaad dagdaga siiyo .

•   Waxa kale oo ay shacabka Somaliland ugu baaqeen ina ilaaliyaan nabadgalyada ,wada noolaashaha iyo wada jirka geesna uga soo wada jeestaan cadawga Somaliland.

2. Arimaha dhalinyarada , shaqala,aan iyo tahriibta

•  Waxay goluhu ugu baaqeen dhlinyarada Somaliland inay aaminaan dalkooda  hooyo

•  Waxa goluhu ugu baqay xukumada ,shirkadaha iyo ganacsatada waawayn inay sameyaan mashaariic shaqo loogu aburayo dhalinyarada

•   Waxa golihu soo jeediyay  xukumada iyo shacbigaba si adag loola dagaalamo shabakadaha dambiilayaasha ah eek u hawlan tahriibinta dhalinyarada

•  Waxay goluhu isla qaateen inay qayb muhuuma  ah ka noqdaan wacyigalinta dhalinyarada ee tahriibaysa

3. Maadaama sidaan kawar qabno khasaare naf iyo maalba lihi kadhasho dooxyada xili roobaad kasta gar ahaan inta u dhxaysa Hargaysa iyo Barbara waxa goluhu ugu baaqayaa  qaadhaan xixiyayaasha iyo xukumada in loo qorsheeyo dhisme Biriijo(Bridges).

4. waxa goluhu  xukumada usoo jeedinayaa  iyada oo fulinaysa ku dhaqanka  dastuurka  ay golaha wakiilad u soo gudbiso heshiisyada ay gasho

5. Isaga oo fulinaya waajibaad ka dastuuriga ah waxa goluhu soo jeediyay in la xoojiyo dabagalka xukumada.

6. Maciishada iyo sixir bararka.

• Iyada oo heerka shaqola,aanta shacbiga Somaliland aad u sarayso ,sanadihii ugu dambeeyay  maciishadu kor ukacaasay  sixir barar jiigta ahina jiray ,waxay goluhu baaq u jeediyeen  xukumada somaliland inay qaado talaabooyin  lagu xakamaynayo sixir bararka iyo ascaarta ama qiimaha badeecadaha .

•    Sidoo kale waxay ganactasada Jamuuriyada Somaliland u soo jeediyeen iny unaxariistaan shacabkaooda ee danyarta ah ee maciishadu ku sii adkaanayso.

7. waxa kale oo mudanayaashu dood adag ka yeesheen  wanaajinta iyo tayaynta maamulka

Golaha.

•   Xoojinta xil gudashada mudanayaasha iyo ilaalinta saacada shaqada .

•  Dardar galinta sha qaalaha gudi hoosaadyada golaha .

•  Dhamaystirka shuruucda qabyada ah ee golaha yaala.

8. Mudanayaasha guluhu waxay usoo jeedinayaan ciidamada amaanka iyo haa’yadaha  dawlada inay dhawraan dhawrsanaanta maamuuska dastuurku siiyay mudanayaasha baarlamaan jamhuuriyada Somaliland.

 

 

Hargeysa Online