Diyaaradda labaad ee dalka Itoobiya ugu weyn oo maanta soo caga dhigatay Madaarka Hargeysa.
Posted by abdi on September 01 2013 22:28:44

Hargeysa(Hargeysa Online) Diyaaradda labaad ee ugu weyn Dalka Itoobiya ayaa maanta soo caga dhigatay Madaarka Caalamiga ah Ee Cigaal International Air-port, kadib markii dhawaan faraha laga qaaday Dibu-dhis lagu sameeyay dhabada Diyaaraduhu ka haadaan, kuna soo degaan.

Extended News

Diyaaradda itoobiya Air-line ee soo fadhiisatay madaarka ayaa sidaya Rakaab dhan 150 qof, waxaanay noqonaysaa diyaaradii ugu waynayd ee Abid soo fadhiisata Madaarka Hargeysa tan iyo intii la dhisay, waxaanu Duulimadaakani Hormood u noqonayaa Duulimaadyada kale ee shirkadaha Waaweyn, sida uu sheegay wasiirka Duulistu.

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa si aad ah ugu mahadnaqay Dawladda Itoobiya iyo shirkadeeda diyaaradaha kuwaas oo uu ku tilmaamay in ay kaga dhabeeyeen sahamintii iyo qiimayntii ay ku sameeyeen madaarka Hargeysa oo uu sheegay in ay ku qanceen, la’aanteedna aanay diyaaradoodan qiimaha lihi soo fadhiisateen.

Hore waxa u soo fadhiisatay Madaarka Hargeysa Diyaarad ay leedahay African Safaari taasoo siday sagaashan qof oo Rakaab ah, halka Diyaaradda Daallo la filayo in ay berri soo fadhiisato Duulimaadkeeda ugu horeeya.

Si kasta ha ahaatee Duulimaadka Itoobiya Air-line ayaa noqonaya Duulimaad joogto ah oo maalinle ah.

Hargeysa Online