Wakiiladda Oo Loo Qaybiyey Xeerar Xasaasiya Oo Qaarkood Madaxtooyadu Dib Ugu Soo Celisay.
Posted by abdi on September 02 2013 18:51:04

Hargeysa(Hargeysa Online)Fadhigii shalay ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa mudanayaasha loogu  Qaybiyey Xeerarka Maamuuska Madaxweynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka, wax ka bedelka xeerka qareenada oo Madaxwayne.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Fadhigii shalay ee Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa mudanayaasha loogu  Qaybiyey Xeerarka Maamuuska Madaxweynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka, wax ka bedelka xeerka qareenada oo Madaxwayne.

Siilaanyo dib ugu soo celiyey, iyadoo sidoo kalena loogu Qaybiyey Xeerarka HIV/AIDS-ka, Xeerka xabsiyada, Xeerka ciidamada Booliska, qabyo qoraalka xeerka horumarinta waddooyinka. Fadhigaasi shalay oo uu shir gudoominayey gudoomiyaha golahaasi Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa meel mariyey ansixinta Wasiirada Wasaaradaha Deegaanka, Biyaha, Kalluumaysiga, Wasiirul-Dawlayasha Wasaaradaha Xanaanada Xoolaha iyo Nabadaynta Gobolada Bari, halka sidoo kalena ay ansixiyeen Wasiir Ku Xigeenada Wasaaraddaha, Warfaafinta, Beeraha, Shaqada Iyo Arimaha Bulshada, Mudanayaasha golaha shalay ka soo  xaadiray oo dhammaa 46 xildhibaan ayaa cod gacan taag ah u qaaday ansixinta mas’uuliyiintan. Wasiirada fadhiga shalay lagu ansixiyey ayaa kala helay codadka lagu meel mariyey oo u dhacay sidan:- Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare waxaa ansixinteeda ogolaaday 45 mudane, cid diiday iyo cid ka aamustayna ma jirin, gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay wasiirka wasaaradda deegaanka.

Wasiirka wasaarada Biyaha Md Xuseen Axmed Cabdalle waxaa ogolaaday 45 mudane cid diiday iyo cid ka aamustay midna ma jirin, gudoomiyahuna ma codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay wasiirka wasaaradda Biyaha. Ansixinta wasiirka wasaaradda kaluumaysiga Md Cali Jaamac Faarax waxaa ogolaaday 42 mudane, waxaa ka aamusay hal mudane waxaana diiday labo mudane, gudoomiyahua ma codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay wasiirka wasaradda kalluumaysiga. Wasiirul dawlaha wasaaradda xanaanada xoolaha Md cabdiraxmaan jaamac Cabdalle waxaa ogolaaday 43 xildhibaan, cid diiday ma jirin, waxaa ka aamusay labo mudane, gudoomiyahuna ma codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay wasiirul-dawlaha wasaaradda xanaanada xoolaha. Wasiirul dawlaha nabadaynta iyo horumarinta gobolada Bari Cali Maxamed Axmed (Cali Sandulle) waxaa ansixiyey 45 mudane, gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay Wasiirul dawlaha nabadaynta iyo horumarinta gobolada Bari Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Md cabdiwaaxid C/qaadir C/raxmaan waxaa ogolaaday 43 mudane, waxaa diiday labo mudane, cid ka aamustayna ma jirin, sidaana waxaa ku ansaxay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta. Wasiir ku xigeenka wasaaradda beeraha Md Aadan Ibraahim maxamed waxaa ogolaaday 43 mudane hal mudane ayaa diiday, hal mudane-na waa ka aamusay, gudoomiyahuna ma codaynin, sidaana waxaa ku ansaxay wasiir ku xigeenka wasaaradda Beeraha. Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arimaha bulshada Marwo Shukri Xariir Ismaaciil waxaa ogolaaday 44 mudane cid diiday ma jirin waxaana ka aamusay hal mudane, gudoomiyahuna ma codaynin sidaana waxaa ku ansaxay wasiir ku xigeenka wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada. Dhinaca kale waxaa fadhigaa shalay  mudanayaasha golaha wakiilada waxaa loogu qaybiyey xeerarka kala ah Xeerka hab maamuuska madaxweynaha iyo madaxweymne ku xigeenka. Xeerka HIV AIDS-ka, Xeerka xabsiyada, Xeerka ciidamada Booliska, qabyo qoraalka xeerka horumarinta waddooyinka, wax ka bedelka iyo kaabista xeerka qareenada iyo xeerka caasimadda. Xeerarkan ayaa la filayaa in golahu dood adag ka yeesho fadhiyadiisa soo socda gar ahaan xeerka habmamuuska madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka oo madaxtooyadu deb u soo celisay ayaa golaha wakiiladu ay isha ku hayaan qodobadii ay wax ka bedelka iyo kaabis ay ku sameyeen ee madaxwayne siilaanyo la sheegay in uu xeerkaasi ku soo celiyey .

Hargeysa Online.