Xisbiga Ucid Oo Cadeeyay Inaanu Jirin Wax Khilaafa KaDhex Taagan Madax Xisbigaasi.
Posted by abdi on September 04 2013 16:58:42

Hargeysa(Hargeysa Online)Masuuliyiinta Xisbiga ayaa cadeeyay inaanu jirin haba yaraatee wax khilaafa oo ka dhex oogan Madaxda  Xisbiga Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta magaalada hargeysa.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Masuuliyiinta Xisbiga ayaa cadeeyay inaanu jirin haba yaraatee wax khilaafa oo ka dhex oogan Madaxda  Xisbiga Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Xarunta magaalada hargeysa Ee Ucid Masuuliyiintan Xisbiga ucid U hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa Xoghaye ku xigeen arimaha Gudaha Ee xisbiga Md Xuseen Xasan Badmaax Ayaa waxaa Uu sheegay  sidoo kale inay xukuumadu Faro galin wayn iyo weerar cadaana ay ku hayso Gudaha xisbigooda isla markaana ay Xukuumadu Ku bixiso Lacag adag sidii Uu Xisbiga ucid u kala furmi lahaa. Masuuliyiintani Waxaa ku Eedeeyeen Xukuumada Ucid kula dagaalamayso kuna Colaysatay Taageerada uu xisbigu siiyay Mujaahidiinta iyo aqoonyahanku madasha wada tashiga iyo toosinta ee ay ku dhawaaqeen. Ku simaha Xog hayaha arimaha Gudaha Ee xisbiga Md Xuseen Xasan Badmaax ayaa Sidoo kale sheegay Xisbiga ucid inuu yahay Xisbiga Mustaqbalka Ee Badali doona Xisbul xaakimka Sabadtaa awgeedna ay ku kaliftay xukuumadu Taa Ku Daba gallayso. Sidoo kale mar su,aal la weydiiyey aheyd sidee buu Xisbiga Ucid u arkaa Xilalka dhawaan musharaxa xisbigu Md Jamaal Cali Xuseen uu magacaabey ? Ayaa Wuxuu ku jawaabey Xoghayaha arimaha gudaha ee Xisbiga Ucid  Horta qoladiinan saxaafadu aan isla fahamno sedexda Xisbi Qaran yihiin Dastuuri

Xeerkiisuna Yahey,Fulintiisuna yahey in xeerka la raaco  Markaa Musharaxa Md Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiiisu waxay ka mid yihiin Gudida fulinta,xubinkasta oo ka mid gudida fulintana iyo g/dhexena wey soo jeedin karaan oo fulinta ayey u soo gudbin karaan,go,aanka fulinta waxaa ku dhawaaqaya oo xeerku awood u siiyey Gudoomiyaha Xisbiga Ucid  Ugu danbayntiina Masuuliyiinta Ka tirsan Xisbiga Ucid waxaa ay xukuumada Kula taliyeen ugana Digeen inay shacabka Ka dayso marin habaabinta Iyada oo danaheeda Fushanaysa, Waxaanay Shacabke Reer Somaliland u sheegeen Xubnahan Katirsan Ucid inayna jirin haba yaraatee wax khilaaf ah oo xisbiga Dhexdiisa ka jira Horayso iyo Danbaysaba.

Hargeysa Online