Wasiirka Kalluumaysiga Oo Walaac Ka Muujiyay Doonyo Laga Leeyahay Yemen Iyo Iran Oo Xaaluf Ba’an Ku Haya Kalluunka Xeebaha SomaliLand.
Posted by abdi on September 04 2013 17:04:04

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasiirka wasaarada Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa sheegay in xeebaha Somaliland ay faro baas ku hayaan doonyo Kalluumaysi oo laga leeyahay dalalka Yemen iyo Iran.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Wasiirka wasaarada Kalluumaysiga Somaliland Cali Jaamac Buureed ayaa sheegay in xeebaha Somaliland ay faro baas ku hayaan doonyo Kalluumaysi oo laga leeyahay dalalka Yemen iyo Iran, kuwaas oo uu tilmaamay inay si qayrul sharciya uga Kalluumaystaan xeebaha dalka. Wasiirka Kaluumaysigu waxa kale oo uu sheegay in heshiiska dawlada Muqdisho ee Somalia kula gashay shirkada dalka Holland ilaalinta Baddaha Somalia aanu ka shaqaynayn in xeebaha Somaliland. Wasiir Buureed oo shalay warbaahinta uga waramayey xaalufka ba’an ee lagu hayo xeebaha Somaliland ayaa isagoo ka hadlaya arrimahaasi waxa uu yidhi “Waxa hada faraha baas ku haya xeebihii Somaliland doonyo Kalluumaysiga Yemen iyo Iran, waxaana doonaynaa inaanu nidaam u samayno oo haday Kalluun doonayaan ay ka iibsadaan Kalluumaysatada Somaliland” Mar uu ka hadlayay wasiirku shirkadaha yaryar ee wadaniga ah ee Kallumaysiga iyo shirkad cusub oo uu wasiirku sheegay inay maalgalin furayso, ayaa waxa uu yidhi  “Shirkadahaasi haday soo bilaabmaan, horena shirkado yaryar baa u jiray oo inta tamartooda ah suuqa wax galin jiray, hada waxa timid shirkad Pontuis la yidhaa oo maalgalin furaysa. Shirkadaasi niman ajaanib ahina waxbay ku leeyihiin, laakiin dad Somaaliya ayay u badan yihiin oo reer Somaliland ah, hadana waxaa ku biiraya ganacsato deegaanka ah, dhawaan ayaanay hawsha bilaabi doonaan, xeebaha ayaanay dhigi doonaan qaboojiyayaal” Wasiirka Kalluumaysiga oo ka hadlaya heshiiska dawlada Somalia ay la gashay shirkad laga leeyahay Holland ee xeebaha Somalia ilaalin doonta, waxa uu yidhi “Arrintaasi ma khusayso Somaliland heshiiskana waxaa lala galay Somalia, shirkadaasi annaga heshiis nalamay galin, Maraakiibtii Jiriifka ahaana waa la joojiyya, heshiiska Xamarna mid Somaliland ka shaqaynaya maaha

Hargeysa Online.