Bisha Cas ee Imaaraatka oo Riig u dhistay Xarunta Agoomaha Burco.
Posted by abdi on September 04 2013 17:14:42

Burco(Hargeysa Online) Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi (Xamarji) ayaa xadhiga ka jaray Riig loogu talo galay Xarunta agoomaha ee Xaafada Aadan Saleebaan ee Magaalada Burco.


Extended News

Burco(Hargeysa Online) Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi (Xamarji) ayaa xadhiga ka jaray Riig loogu talo galay Xarunta agoomaha ee Xaafada Aadan Saleebaan ee Magaalada Burco, kaasoo ay ay fulisay Bisha cas ee imaaraadka carabta.

xadhig jarista riigan ayaa waxa kasoo qayb galay Badhasaabka Gobolka Togdheer, Agaasimaha Wasaaradab Biyaha C/risaaq Naakhuude, Golaha Degaanka Degmada Burco, Gudida Horumarinta Gobolka Togdheer iyo waliba Xubno Qurbajoog ah oo iyagu isu xilsaaray dhismaha xaruntan.

Badhasaabka Gobolka Togdheer Axmed Cumar X.C/laahi oo ka hadlay munaasibadii xadhiga lagag jarayay Ceel-kan ayaa Bulashada ugu baaqay inay xaruntan gacanka gaysataan waxaanu yidhi ”Meeshani yadoo banaan ah ayay Maskaxdeedii iyo Muruqoodii galiyeen Hablo ay hormuud u tahay Amaal Cali oo hada inala joogta, waxaan leeyahay agoomahu waa cida ugu wacan in wax la taro, waxaan leeyahay dadka Gobolkani waa inay gacan kasoo gaystaan sidii wax loogu qaban lahaa hawlaha tabaruca iyo xaruntan agoomaha  waana in laga wada shaqeeyaa hawlaha noocan oo kale ah.” Ayuu yidhi Badhasaabku

Agaasimaha Guud ee wasaaarada Biyaha ayaa isaguna hadaladiisa waxa ka mid ahaa”Ceelkan oo ahaa ceelashii ay inoogu deeqday dawlada Imaaraadka, hawshiisa illaahay waa inoo fududeeyay waayo waxa loo qodayay dadkaas waayay waalidkood, hadana anaga ayay shirkadan dhistay nagu wareejisay oo Masuuliyadiisu na saarantahay.

Amaal Cali Maxamed oo iyaduna ka mid ah qurbajooga iyagu xaruntan agoomaha dhismaheeda isu xilqaamay ayaa iyaduna sharaxaad ka bixisay halka ay u marayso dhismaha Xaruntani waxaanay hadaladeedii ka mid ahaa”hada waxaa inoo dhamaaday ceelkii oo biya macaan laga soo saaray, dayrkeedu waa Boqol mitir, Galaasyadii, Xafiisyadii, hoolashii iyo Hurdadii iyo qaybihii kaleba way socdaan, waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa cidii gacan ka gaysatay waxaan leeyahay  wixiinii may qasaaroobin ee waa kuwaas dadka kalena waxaan leeyahay sidaas uga qaybqaata” ayay tidhi
Xildhibaan C/laahi Xasan, shiikh Yuusuf Cabdi Cawed, Agaasimaha shirkada Genal, injineer Maxamed ayaa dhamaantood iyaguna aad ugu mahadnaqay xaruntan agooomaha cidii ka qayb qaadatay waxaanay dadka Reer somaliland ka codsadeen inay is caawinta halkaas ka sii wadaan.

Hargeysa Online