Laba gabdhood oo Soomaali ah oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Masar.
Posted by abdi on September 08 2013 13:31:25

Laba gabdhood oo Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dadka ku dhaawacmay qarax lala beegsaday wasiirka arimaha gudaha ee dalkaas Masar.


Extended News

Laba gabdhood oo Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inay ka mid ahaayeen dadka ku dhaawacmay qarax lala beegsaday wasiirka arimaha gudaha ee dalkaas Masar.

Daawo Muuqaal ahaan Gabadha Soomaalida oo Xubinteeda ku waysay Qaraxa

Labadaan gabdhood oo mid ka mid ah ay heysato dhalashada dalka Ingiriiska ayaa waxaa magaceeda lagu sheegay Deeqo Xasan oo 16 sano jir ah iyadoona gabadhaas Soomaalida ah la sheegay inay lugta ka go'aday, gbahadhaan ayaa waxay kula nooleyd waalidkeed dalka Masar iyadoona xiliga uu qaraxaas dhacaayey ay mareysay wadada uu qarax ka dhacaayey xili ay wada socdeen gabar kale oo Soomaaliyeed oo iyadana uu dhaawac ka soo gaarey qaraxaas, Deeqa Xasan oo horey ugu nooleyd xaafada Brixton ee koonfurta magaalada London ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxay u guureen iyada iyo waalidkeed dalkaas Masar, Gabadhaas ayaa dhowr jeer oo hore waxay ka muujisay wel wel iyo walaac xaalada cakiran ee dalkaas Masar iyadoona dhowr jeer ku sheegtay bogeeda Twitterka inay ka cabsi qabto dhibaatada sii kordheysa iyo waxa ka jira guud ahaan dalkaas Masar

Ugu dambeyntiina gabadhaas Soomaaliyeed ee dhaawaca uu ka soo gaarey qaraxaas oo hada lagu daaweynaayo isbitaal ku yaala magaalada Qaahira oo warbaahinta dalka Ingiriiska wareysi siisay ayaa sheegtay in booliiska dalka Masar uu si xun ula dhaqmay ka dib markii ay arkeen ayaga oo dhaawac ah islamarkaana ay isaga dhaqaaqeen oo aysan waxba u qaban xili ay dad weynuhu iyo ayaduba ay ku qeylinayeen inay dhaawacan yihiin, Af hayeen u hadlay wasaarada arimaha dibada ee dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa uu sheegay inay ka warhayaan inay gabahdaas Britishka ah ay ku dhaawacantay qaraxaas islamarkaana ay wadaan dadaalo ay wax ugu qaban lahaayeen

 

Hargeysa Online.