Xisbiga UCID Oo Ka Hadlay Sababta Shirkaddii Sahaminta Shidaalku Dalka Uga Baxday Iyo Musuqmaasuqa.
Posted by abdi on September 12 2013 17:37:03

Hargeysa(Hargeysa Online)Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa ku tilmaamay sababaha ay shirkadii sahaminta shidaalku Genel Energy ay dalka uga baxday ay tahay sababta ugu weyni xubno wasiiro ah.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi ayaa ku tilmaamay sababaha ay shirkadii sahaminta shidaalku Genel Energy ay dalka uga baxday ay tahay sababta ugu weyni xubno wasiiro ah oo xukuumada ka tirsani inay shirkada ku khasbeen in Kontaraagyo la siiyo ashkhaas ay iyagu wateen oo aan ahayn dadkii deegaanka u dhashay, isla markaana ay sidoo kale dhacday in 400 Askari oo Shirkaddu ay qoratay oo Askarigiiba ay ugu talo gashay inay maalintiiba siiso $40 dollar ay xubnahaasi wax ka jareen Askartaasi lacagtii loo qoondeeyey. Yuusuf Kayse waxa uu sidaasi ku sheegay Shir jaraa’id oo uu shalay warbaahinta ugu qabtay Hotelka Dalxiis ee magaalada Hargeysa. Kaas oo ugu horayn arintaasi ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Shirkadan Sahaminta Shidaalka ee dalka ka baxday waxay heshiiska Somaliland la sexeexatay bishii August  2012-kii oo ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Shirkadu, intaa ka dib waxa ay bilaabeen hawlihii sahaminta oo ay ka bilaabeen gobolada bariga gaar ahaan Gobolka Togdheer iyo Gobolka Daad-madheedh.

Hawshoodii iyadoo markii horeba ay sharci daro ahayd oo ahayd in Borosiijarkii la mariyo oo heshiiskaa labada dhinac ay soo galeen la keeno Baarlamaanka kadibna Madaxweynaha loo gudbiyo oo sidaa lagu ansixiyo ayay sharci daradaasi dhacday oo shirkadii hadana ka soo baxday goobihii lagu ogaa, iyadoo xukuumadu ay ku faani jirtay in dalka laga wado sahaminta shidaalka ayay shirkadihii si lama filaan ah uga soo baxeen meelihii ay ku sugnaayeen iyaga iyo qalabkoodii. Sababta ayaan doonayaa inaan dhex galo, sababtu waxa weeyi ay xukuumadu uga warwareegaysaa, shirkadu waxay ku sababaysay hawlo amni awgeed, waanay noqonaysaa marka dhan laga eego, sababta ugu weyn ee ay nimankaasi meesha uga baxeen waa wasiiro xukuumada ka tirsan ayaa waxay shirkada ku khasbeen in Kontaraagyo la siiyo ashkhaas ay iyagu wateen oo aan ahayn dadkii deegaanka u dhashay, dabadeed markii shirkadu waraysatay ayay dadku u sheegeen in dadkaa wasiiradu ay wadaan aanay ahayn dadkii deegaanka u dhashay, iyadoo sababo hore oo shirkadu ay ka cabanayeen ay jireen. Tusaale ahaan Askarta 400 Askari ayay qorteen Afartaa boqol maalintii waxa ay ugu talo galeen inay siiyaan $40 dollar, Afartankii dollar waxa ay Xukuumadu ka gooyeen $20 dollar, askari walba waxay yidhaahdeen 20 dollar ayaanu siinaynaa, 400 Askari ayay ahaayeen 4 biloodna way shaqaynayeen, waxay ahayd $8000 dollar inay qaataan, dabadeed kala badh ayay ka gooyeen, lacagta loogu talo galay waxay ahayd guud ahaan Milyan iyo Afar boqol in la siiyo Askarta oo ay qaataan, balse kala badh ayaa la siiyey. Shirkadu way ogaatay waana sababaha loo keeni waayey Baarlamaanka maxaa yeelay way diidayeen. Dhinaca kale gawaadhidan la leeyahay shirkada ayaa keensatay may keensan ee waxa keenay baabuurtan niman wasiiro ah oo waa laga kireeyey shirkada. Waxyaabahaas ayay doonayeen inaan la ogaan, sidaa daraadeed waxa ay u sheegeen xukuumada sababo aan jirin, madaxweynahana waxay u sheegeen sababo aan jirin, markaa waxa aan ku soo koobayaa hadalkayga dadkii deegaanka ayaa ka xanaaqay dadkaa xukuumadu sida gaarka ah u wadatay, dabadeed waanay u sheegeen oo waxa ay ku yidhaahdeen dadkani deegaanka umay dhalan xukuumaduna way idinku khasbaysaa oo wasiiraduna way idinku khasbayaan, shakhsiyaadkaasina deegaankayaga kama shaqayn karaan”. Sidoo kale dawlada Ethiopia waxa ay tidhi hawlo nabadgalyo ayaanu uga baxnay hawlaha nabadgalyo maaha kuwii qaraxa iyo dagaalka ee waxa weeyi siligii loogu talo galay ee ay yidhaahdeen waanu xidhaynaa ayaanay xidhin, garoonka intii loogu talo galay ee ay yidhaahdeen waanu dhisaynaana may dhamaystirin”.

Hargeysa Online