Wafti Ka Socda Xukuumada Oo Xalay Guurre Ku Galay Degmada Xariirad Oo Ay Ku Jiraan Wasiirada Labada Beelood ah.
Posted by abdi on September 12 2013 17:42:06

Hargeysa(Hargeysa Online)Wafti ka socda xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirada xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir, dibu dajinta Axmed Cabdi Kaahin, arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Garaad iyo wasiir ku xigeenada.


Extended News

Hargeysa(Hargeysa Online)Wafti ka socda xukuumada Somaliland oo ay ka mid yihiin wasiirada xanaanada xoolaha Dr Cabdi Aw Daahir, dibu dajinta Axmed Cabdi Kaahin, arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Garaad iyo wasiir ku xigeenada wasaaradaha cadaalada Nuur Cismaan Guuleed, qorshaynta Maxamed dhinbiil, ayaa xalay guurre ku galay degmada Xariirad ee gobolka Selel. Sida ay Hargeysa Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo u dhuun daloola waftiga iyo ujeedada socdaalkooda Xariirad uu daaran yahay ayaa sheegay in xubnaha wasiirada ee loo diray degmadaasi oo xalay guurre ku galay deegaankaasi oo iyagu afar xubnood oo ka mid ahi wasiiradaasi ay kasoo kala jeedaan labada beelood ee xiisadu kaga dhex aloosan tahay deegaanka Xariirad loo diray inay ka hawlgalaan labadii dil ee deegaankaasi ku dhex maray beelaha ay ka soo jeedaan, arrintaas oo ilaa hada xurgufteedii taagan tahay, isla markaana aan si rasmiya xal looga gaadhin soo afjarida xiisadaasi.

Hargeysa Online