Qarax ka dhacay magaalada Nairobi Kenya.
Posted by xaaji on May 28 2012 21:16:55

Qarax xooggan oo waxyeeleeyay dukaamo dhowr ah ayaa waxaa uu maanta duhurkii ka dhacay bartamaha caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.


Extended News

Qarax xooggan oo waxyeeleeyay dukaamo dhowr ah ayaa waxaa uu maanta duhurkii ka dhacay bartamaha caasimadda dalka Kenya ee Nairobi.



Sida ay sheegeen boolisku, waxaa ku dhaawacmay qaraxaasi 10-ruux, wax dhimasha ahna ma sheegin.

Waxa sababay iyo cidda ka dambeysa wali ma aysan sheegin boolisku, waxaana ay wadaan baaritaan ku aadan qaraxaasi.

Goobta uu qaruxu ka dhacay oo aheyd jid aad u mashwuul badan magaalada Nairobi, ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne fara badan kuwaas oo u soo daawasho tagay.

HargeysaOnline.Net