Madaxwayne Siilaanyo Oo Naqdiyey Eedaha Mucaaridku Xukuumadiisa Ku Duraan.
Posted by abdi on September 15 2013 21:39:50

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa deedefeeyey eedaha Mucaaridku ku duraan xukuumadiisa, kaas oo sheegay inay boro-bogaando kula dhexjiraan bulshadda oo xusay inay kalsooni badan ku qabto Xukuumadiisa.


Extended News

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa deedefeeyey eedaha Mucaaridku ku duraan xukuumadiisa, kaas oo sheegay inay boro-bogaando kula dhexjiraan bulshadda oo xusay inay kalsooni badan ku qabto Xukuumadiisa. Madaxwayne Siilaanyo ayaa sidoo kale markii ugu horraysay ka hadlay ka bixitaanka dalka ee shirkadda shiidaal qodista ee Genel Energy oo uu sheegay inaanay dalka ka guurin ee ay shaqadeedii hakisay, kaas oo sidoo kale tilmaamay in la shacbiga laga leeyixyey xaqiiqada arinta Duulimaadyada Diyaaradda Ethiopian Airlines oo uu tibaaxay inaanay wax ceeb ah ka sheegin Somaliland. Sidoo kale Madaxwaynaha dalka Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu bayaamiyey in Nabadgalada Somaliland ay marayso halkii ugu wanaagsanayd. Waxaanu sidaas ka mar uu shalay ka hadlayey Munaasibad uu ku furayey Kuulliyadda tababarka saraakiisha ciidammada oo lagu qabtay Magaaladda Dararweyne ee duleedka Waqooyi ee Caasimadda dalka ee Hargeysa. Ugu horayna isaga oo arimahaas ka hadlaya ugu hadal-haynta badnaa maalmahan, waxa uu yidhi “Waxaan jecelahay inaan kalmad ka idhaahdo arrinta shiidaalka ee shirkadda Genel Energy iyo diyaaradda Ethiopian Airline, arrintan oo ay Masuuliyiinta Mucaaridku tilmaamo khaldan ka bixiyeen, bulshadana ay ku soo dhex tureen hadalo aan la hubsan, aflagaado aan loo miidaan dayin iyo mararka qaarkood oo ay ku baaqayaan hadallo ay qaranimadda wax ugu dhimayaan oo ay nabad-gelyadda dalka mugdi ku gelinayaan.” “Walaaleyaal shirkadda Genel may bixin ee way hakisay shaqadeedii, shirkadda Ethoian Airline wax ceeb ah kamay sheegin Madaarka Hargeysa, wixii la sheegayeyna waxay ahayd been la abuuray oo la buun-buuniyay”.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaas ku daray in dalku yahay mid nabad-gelyo ah oo aanay ka jirin wax amni xumo ahi, waxaanu yidhi “ILAAHAY mahaddii dalka Somaliland waa Nabad-gelyo, waxaanu marayaa meel fiican oo lagu faano. Mana jiraan wax hoos u dhac ah oo ku soo kordhay nabadgelyadda dalka. Waxa uu dalkani leeyahay ciidamo heegan u ah oo nabad-gelyada dalka ilaaliya. Waxa kale oo uu leeyahay bulsho u diyaar ah oo u darban ilaalinta dalkooda. Waxa uu leeyahay dawlad u daacad ah oo ay ku soo doorteen codkooda. Waxaanay shacbigu kala ogyihiin cida u daacad ah ee dalka dhisaysa ee ku hawlan horumarintiisa iyo kuwa cayda iyo afmiishaarnimada la taagan gidaaradda ee u samaystay Goleyaasha sharci darrada ah.bulshada reer Somaliland waxaan leeyahay nabad-gelyadiina ilaashada, ciidanka la shaqeeya oo caawiya, is barbar taaga oo qarranimadda u midooba”.

Hargeysa Online.